Basel-Switzerland: Ciidanka Ilaalada Xuduudka oo qabtay Nin Holandes ah oo watay 105 Kilogram JAAD ah.

Halkaan ka akhri

Basel (SomaliSwiss) 02.10.2007

Nin Holandees ah oo 31 jir ah ayaa shalay lagu joojiyey xuduudka Basel la leedahay dalka Faransiiska, isagoo doonayey in uu si dhuumaalaysi ah uu ula soo gudbo Swiss-ka 105 Kilogram oo ah Maandooriyaha JAAD-ka ah ee uu ku soo qariyey boorsooyin uu watay.

Ninkan oo aan la sheegin Magaciisa, ayaa la sheegay inuu u waday JAAD-ka Nin Somali saaxiibkiis ah ee ku nool magaalada Renana, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Ciidanka Ilaalada Xuduudka.

JAAD-ka ayaa ah Maandooriye qadiim ah oo la isticmaali jiray goor hore, caleeynta geedka JAAD-ka oo afka qalaad loogu yaqaano “Catha Edulis Forsk”, wuxuuna ka baxaa Bariga Afrika iyo Yeman, kuwaasoo aad loogu cuno, xattaa waxaa laga cunaa Wadamada Afrikada dhexe.

Caleenta JAAD-ka ee la calaaliyo iyo dhacaanka oo la laqo, markuu dhiigga uu ku darsamo ayaa waxaa ka dhalanaya wax afka qalaad lagu yiraahdo “Euforiya”, kadib waxay kicinayaan dareemaha, waayo jirka qofka ayaa helaya maadada kicisa dareemada oo la yiraahdo “Catinone”.

1dii Lulyo 1992dii ayey dowladda Swiss-ka baaris ku sameeysay JAAD-ka, iyadoo la isku raacay sharciga Federaalka, waxaana la go’aansaday in JAAD-ka uu ka mid yahay Maandooriyaasha ka jira Caalamka; sidoo kale waddamo badan oo Midowga Yurub ka mid ah ayaa ka mamnuuc ah JAAD-ka, balse Ingriiska iyo Holand ayaa oggol in la isticmaalo.

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Kanton Basel ayaa markasta joojiya dadka ay ku tuhmaan JAAD-ka ee doonaya inay soo geliyaa Swiss-ka, Tusaale ahaan Sanndkan waxaa la qabtay oo lala wareegay JAAD dhan 410 Kilogram.

SomaliSwiss Zürich

Tarjume: Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: