Faallo:- Maxay galabsadeen Caruurta, Haweenka iyo Dadka maatada ah ? waa maxay sababaha loo leynayo? balse waxaas oo dhan waxaa ka masuul ah….

Halkaan ka akhri

Zürich Isniin (SomaliSwiss) 01.10.2007

Waxaa wax laga naxa ah, dhacdooyinka naxriis la’aanta ah ee lagu hayo dadka maatada ah, gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta,waayo Kooxaha Calooshood u shaqeystayaasha ah ee ku dagaallamayo gudaha magaalada Muqdisho ayaa noday kuwo aan u aaba yeelin dadka tabarta daran.

Ciidamada Huwanta iyo kuwa ka soo horjeedaba, waa maxaysato u shaqeeya Iimaan laawayaal Soomaali ah oo dhiigii dadkooda ku gatay lacag iyo doonistooda ah inay Xukunka sidaas ku haystaan, waa akhira beel iyo Aduunyo beel, balse waxaa dhab ah in arrinta Soomaaliya ay ka dambeeyso gacan quwado Shisheeye ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa Saaka ku arkay bogga Webka Dayniile qoraal iyo Sawirro Caruur la gubay oo naxdin badan leh, sidaas awgeed, waxaan go’aansaday in aan ku soo bandhigno Webkeenna SomaliSwiss, si aan u tusno indhaha Beesha Caalamka, waxyaabaha ka dhacaya Gobolka Banaadir mudooyinkaan danbe, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ku soo badanaya xad-gudubyada iyo xasuuqa lagu hayo caruurta yar yar ee Soomaaliyeed oo aan wax galabsan taaso ah bini’aadannimada kabaxsan , Inkatoo Caalamka hadda in yar ka billaabay inuu indhaha ku soo jeediyo xasuuqa loo geysanaya caruurtaas Soomaaliyeed oo aan wax galabsan .

caruur-la-gubay3.jpg

Hay,adahaa u dooda xaquuqda aadanaha ayaan wax hadal ah ka soo saarin xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo u badan caruur iyo haween taaso keentay in ay caruur badani ay ku cuuryaamaan BM ka iyo Madaafiicda la isku adeegsanaayo habeen iyo maalin kuwaasi oo si Arxan la’aan ah u rida ciidamada Itoobiyaanka ah oo aan meel u dayan .

caruur-la-gubay.jpg

Hadaba waxaa laga Codsanayaa Caalamka in ay wax ka qabtaan Xasuuqa Loo geysanaya caruurtaas yar yar waxaa Beesha Caalamka iyo Hay,adaha xuquuqul insaanka laga sugayaa arrimahan:-

1)- In cid kasta ee geysata xadgudub ka dhan ah caruurta yar yar iyo dadka rayidka ahba la horkeeno Maxkamadaha caddaaladda Caalamiga ah .

2)- In Bulshada Caalamku u sameyso maxkamad caalami ah oo baarta dembiyadaas dagaal iyo xasuuqa loo geesanaya caruurtaas yar yar oo aan waxba galabsan .

3)- In la xukumo dembiilayaalka dagaal ee ku xadgudbaya dadka rayidka ah iyo Caruurta yar yar aan wax galabsan sida ku cad xeerarka caalamiga ah.

Dhibaatooyinka loo geysanayo Caruurta ,Haweenka iyo dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxay ka dhacaan guud dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Banaadir, Hiiraan.Sh/hoose. J/hoose, Bay iyo qaar ka mid Gobollada Puntland .

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: