Qaramada Midoobay oo baaq u jeedisay Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Halkaan ka akhri

New York (SomaliSwiss) 30,09.2007

Qaramada Midoobay, ayaa uga baaqay Maamulada Somaliland iyo Puntland inay demiyaan sii xiisadaha colaadeed ee labada dhinac ka dhex aloosan, waxayna labada dhinac ku boorisay inay joojiyaan muranka ku saleysan dhul sheegashada.

Warbixin ay soo saartay ayaa hay’adda QM ugu qaabilsan isku xirka taageerada caalamiga ah ee Somalia, waxa ay walaac qota dheer kaga muujisay xiisada sare u sii kaceysa ee labada dhinac iyo ciidamada ay ku daaabulayaan gobolka Sool.

Waxa kaloo ay ka digtay kooxdan la yiraahdo CISS suurta galnimada ah in musiibo bani aadannimo ay dhacdo hadii dagaalka uu ka sii socdo goobaha ay labada dhinac ku muran san yihiin.

Bayaan ay saxiixeen isku xiraha QM ee arrimaha bani aadanimo ee Somalia Eric Loroche iyo agaasimaha Bank Adduunka ee Somalia iyo Eritrea Chris Lovelace, waxa ay labada dhinac ee Somaliland iyo Punt-Land ugu baaqeen inay xal raaadiyaan iyaga oo u maraya wada hadallo siyaasadeed.

Warka wuxuu intaa ku daray in Wakiilada iyo madaxda QM u qaabilsan Soomaaliya waxay ugu baaqeen dhammaan mas’uuliyiinta labada dhinac ee muranka ka dhaxeeya inay ciidamadooda kala baxaan aagagga dagaalka ayna dib ugu soo laabtaan wadiiqadii wada hadalka.

Dhinaca kale, Xiisadaha ka dhex aloosan Maamulladda Puntland iyo Somaliland ayaa waxa uu soo bilowday sannadkii 2003-dii, kadib, markii uu Maamulka Puntland gacanta ku dhigay Magaalladda Laas-caanood, waxayna labada ciiddan dhowr jeer ku dagaalameen Deegaanka Ari-cadeeye ee duleedka magaalladda Laas Caanood.

Ugu dambeeyay Mushkidaladaha Puntland iyo Somaliland ayaa sii xoogeystay toddobaaadyadii, waxaana xilli kasta haatan la filan karaa dagaal mar kale ka dhex curta maadaama labada dhinac ay haatan ciidamo xoog leh kus oo daadgureynayaan duleedka Magaalada Laascaanood .

SomaliSwiss Zürich

Xigasho Webka Q.M

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: