Dagaalka xalay iyo caawa socda oo lahadal hayo in uu sii socondoono Maalinta beri ee sabtida ah, kaasoo la sheegay in ay ku beegan tahay maalintii ay guuleysteen Muslimiinta ee Badar.

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada

baabuur laga gubay

Halkaan ka akhri

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa caawa Afurkii kadib waxaa uu hadal hayaa dagaalo xoogan in ay ka dhici doonaan magaalada Muqdisho maalinta Sabtida oo barrito ku beegan, dagaaladaasi oo dadku saadaalinayaan in lagu jabin doono Ciidamada dawladda KMG Somaliya iyo Ciidamada Gumeystaha Ethiopia.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa maantoo dhan hadal hayay in dagaalada bilowday xalay ee socda illaa caawa uu noqon doono mid faafa oo sii xoogeysta maalinta beri ah,

Dagaaladan ayaa lagu macneynayaa in ay Ciidamada Muqaawamada dib u xoreynta Soomaaliyeed ku maamuusayaan maalintii duulaankii Muslimiinta ay ku guuleysteen ee Badar waqtigii nabigeena SCW oo maalinta Barito ah ku aadan.

Baryahan oo dhax ayaa lagu xamanayay in ay diyaar garow weyn kujireen Ciidamada Muqaawamada Soomaaliyeed, oo iyagu isku diyaarinayay maalmahan ay ku jirto Maalintii ay guuleysteen Muslimiintii uu kujiray RAsuulkeena SWC Dagaalkii Badar.

Waxaa la sheegayaa in hubkii ugu xooganaa ay heleen Ciidamada Muqaawamada wax iska caabinta, isla markaana ay kusoo biirayaan Xubno kamid ah Isbaheysiga dib Xoreynta Somaliya ee dhowaas lagu soo dhisay Asmara, kuwaasi oo qeyb kamid ah ay dalka soo galeen.

Dagaalka caawa ayaa lasheegayaa in uu yahay mid aad uxoog badan, waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Daba-dhilifkaba lajebiyay, lagana qabsaday saldhigyo.

 Dagaalka caawa ayaa laxaqiijinayaa in ay kusoo biireen dhalinyaro aad u fara badan, kuwaasoo ahaa qaar dhiganayay Jaamacadii Muqdisho ee Ciidamadu saldhig kadhigteen, iyo Ciaalki Xaafadaha oo iyaguna qoryahooda lasoo baxay.

Allaahu Akbar Allaahu AkbarAstagfuru Allaah

Wixii faahfaahin ah waxaad kaheli kartaan wararkeena dambe hadii illaah yiraahdo

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: