C/llaahi Yuusuf oo hubkii lagu ilaalinayay iyo Ciidamo fara badan laga wareejiyey & Cali Geedi oo sheegay in ay ka horeeyaan shuruudo hub wareejintiisa.

Heesta Maanta :Midab Gumeysi Diida Dila

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 28.09.2007

Waxaa shalay ilaa iyo maanta la waday qorshihii Ethiopian-ka ee ahaa hub ka dhigista Madaxda Dowladda Sare ayaa sida lagu soo warramaya C/llaahi Yuusuf uu si shuruud la’aan ah hubkiisa shalay ugu wareejiyay Taliska Ciidamada Ethiopian-ka, balse waxaa la sheegayaa in Raisul Wasaare Geedi uu shuruud ku xiray habka uu hubkiisa ku wareejinayo Itoobiyaanka .

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa shalay ku wareejiyey Ciidamada Ethiopian-ka gawaari dagaal oo tiradoodu gaarayso ilaa 25 baabuur iyo ciidamadooda, waxaana la xaqiijinayey in Madaxweyne Yuusuf uu gacanta u galiyey Talaiska sare Ciidamada IEthiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ciidamada lagu wareejiyey Ethiopian-ka, ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa dib loogu celin doonaa tababar muddo sanad ah lagu siin doono xerooyin ka baxsan Gobolka Banaadir .

Dhinaca kale Shuruudaha uu ku xiray Ra’iisul Wasaare Geeddi in uu hubkiisa wareejiyo ayaa waxaa kamid ah in uu yiri “waa in marka hore hubka laga qaado Maamul goboleedka Puntland, ayuu yiri isagoo kucalaacalay sidaas kana baqaya markuu hubka wareejiyo isaga iyo Maamulka Banaadirba in Jagoojinka laga xayuubiyo.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: