Ciidamadii xalay laga laayay dowladda KMG ah oo saaka daadsan goobtii loogu gubay gaarigii ay saarnaayeey.

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada 

 Halkaan ka akhri

Muqdisho Jimco (SomaliSwiss) 28.09.2007

Wararka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Tiro Askar Meydad ah oo ku labisan dareeska Ciidamada dawladda KMG ah ayaa saaka lagu arkay deegaanka Carafaat halkaasi oo uu yaallay gaari Cabdi Bile ah oo iska horimaadkii xalay goobtaasi lagu gubay.

Dadka deegaanka ayaa laga soo weriyey in meydadkaasi ay ahaayeen Ciidamo Milatari ah oo ku dhintay qaraxii xoogana ee xalay lagu beegsaday gaari ay lahaayen Ciidamada dawladda ay lahaayeen oo halkaasi marayay .

Cabsi laga qabo in ciidamada ay tacshiir ku soo furaan awgeed ayaa loo tegi waayey Meydadka dhowr ah oo wadada daadsanaa, waxaana goobtaas ku soo wajahnaa Cidamo aad u fara badan oo ka mid ah kuwa dawladda si ay u qaataan meydadkooda.

Sida la wada ogsoon yahay dhacdadan xanuunka badan mid la mid ah ayaa horay uga dhacday Ciidamada dawladda KMG ah oo looga dilay Saraakiil sar sare markii ay u gacan galeen kooxihii weerarka xoogan ku qaaday saldhig ay ku lahaayeen meel u dhow Qubuuraha Barakaat.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: