Barakicii ugu badnaa oo maanta ka soconaya Xaafado badan oo kuyaala Magaalada Muqdisho, iyo Xabado wiifta ah oo weli laga mari la´yahay wadooyinka.

Heesta Maanta :Midab Gumeysi Diida Dila

Halkaan ka akhri

Dagaal qaraar ayaa xalay ka dhacay Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho oo baabuur dagaal looga gubay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, Askar badanna looga dilay, kaasoo illaa iminka ay socdaan xabado wadooyinka oo xir xiran, iyo dadki oo bara kacaya.

Boqollaal qoysas ah ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka qaxaya dhibaatooyinka baaxadda leh ee ka soo cusboonaaday gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadaha Dayniile, Cafarafaad, Towfiiq, Huruwaay iyo kuwa kaloo badan.

Waxaa illaa saakay saacadan oo ah 12:00 duhurnimo dhacaya xabado, wadooyinka waxaa saaran liif oo qofkii gurigiisa kabaxa xabad ayuu kabaqayaa in ay haleesho, dad badan saakay guryahooda ayeey kasoo bixi la´yihiin.

Qoysaskii ugu badnaa ayaa saaka bilaabay in ay ka barakacaan xaafadda Carafaad iyadoona saakay wadooyinka Muqdisho ay ku jiraan xaalad xabadeed oo xabadka lagu wada socdo, dadka barakacaya ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo dad da´ ah.

Ciidamada dawladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ayaa horay ugu amray dhamaan dadka degan deeganadaasi in ay mudo gaaban kaga baxaan xaafadahooda hadii kale ay gumaadi doonaan qofkii ay ugu yimaadaan isagoo ku jira gurigiisa.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa si aad ah u qaxay dad badan oo iyagu deganaa xaafadahaasi oo uu iminka dagaalku kasoconayo.

Dadkii u qaxay Jowjar

Dad dad gaaraya illaa 1-Milyan iyo 200 qof oo kaqaxay xaafadahan ayaa intooda badan gaaray Gobolka Sh/Dhexe tuulooyinkiisa.

Si kastaba ha ahaatee dadweynaha Soomaaliyeed ayaa Maalintii ay Ciidamada Ethiopia wadanka soo galeen illaa iyo wakhti xaadirkan aanan kanasan xabada ay ladhacayaan Ciidamada Tigreega ee Dowladda Ethiopia iyo kuwa daba dhilifka u ah.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: