Shacabka Magaalada Muqdisho oo u diyaar garoobaayaan Kacdoon ka dhan ah Ethiopian-ka, Kadib xad gudub xoog leh oo baryahan lagu hayay Shacabka.

Heesta Maanta :Marxab yaa Ramadaan

som gun man

Halkaan ka akhri

Ciidamada Dowladda KMG & Gumeestaha Ethiopia ayaa Xad Gudubo Aad u Xun kula kacay Shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa geystay Dil, Dhac iyo Barakicin xad Dhaaf ah, Dad weynaha xamar kunool waxey isku dhaarsadeen ineey si toos ah ula dagaalamaan Ethiopian-ka iyo kuwa Calooshood u shaqeystayaashooda Dowladda KMG.

Waxaa soo baxaayo taageero xoog leh oo loo hayo Uruka cusub ee dib xoreynta Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhowaan lagu soo dhisay Magaalada Asmara ee wadanka Eritrea kaasoo aad u xoogeystay.

Waxaa habeenadan dambe xaafadaha lagu arkayaa xiliyada markey cadceedu madoobaato rag qorya wata oo dhex socda xaafadaha qaar iyagoo aan cidna kabaqaneyn, isla markaana shacabka usheegaya in ay ka cararaan xabadaha, markii ay ku bilaabaan Cadowga illeen wuxuu isagana ku hogaaminayaa guryaha Shacabku degan yahay.

Taasoo Ethiopian-ka ku abuurtay cabsi xoogan, iyo soo daabuleeyn maalin walba ciidamo cusub iyo isku dhexyaac ku kelliftey iney hadba fikrad la yimaadaan, kadibna intey la xumaato iska tuuraan.

Xog si hoose looga soo xaday qorshihii ugu dambeeyey oo qaar kamid ah saraakiisaha Ethiopia isu soo bandhigeen ayaa tilmaameysa in qorsahahaasi ka kooban yahay 4 qodob oo kala ah.

1-in maleeshiyaadka Hawiyaha ee gumeysiga la shaqeeya Hubka laga dhigo, si aaney u dhicin in marka dagaalku bilowdo eysan hubkaas Tigreega kula soo jeesan oo kula dagaalamin.

2-In maleeshiyaadka reer Puntland la hubeeyo lana geeyo afaafka hore ee dagaalka, si jugta hore ee carada xambaarsan ay iyaga ugu dhacdo, ileen Tigrey kalama jecla Somali-Somali kale dilay.

3-In inta aanu dagaalku bilaaban la qaxiyo dadka ku nool Muqdisho intiisa badan, si magaaladu u noqoto goob labada Ciidan oo keliya ku dagaalamaan, taasoo ah cabsi ay Tigreegu ka qabaan Ciidamada Muqaawamada dib u xureynta Soomaaliya & kacdoonka shacabka.

4-In ciidamada Ethiopia iyo maleeshiyaadka reer Puntlaand lagu faafiyo qeybo badan oo magaalada kamid ah sida dhismayaasha shubka ka sameysan ee iskuulada, Jaamacadaha Xarumaha Ganacsiga, iyo dhismayaasha gaarka loo leeyahay ee shacabka.

Qorshahaan ayaa Ciidamada cadowga Ethiopia waxay durba ku dhaqaaqeen saddexda dambe, iyadoo aan la ogeyn iney fulinayaan qodobka koowaad iyo inkale.

Qorshahaan ayaa u muuqda mid ay alliftey maskax argagaxsan oo isku dhex yaacday, waxaana durbaba ka muuqanaya qorshahaan guul-darro la soo deristay Ciidanka malakul-mowediisu soo xaadiray ee Tigreega.

Geesiyaasha iyo Soomajeestayaasha kartida iyo dadnimadu ku dheehantahay ee dagaalka lagu xoreynayo dalka Hooyo Hoggaaminaya ayaa cadowga iyo dabadhilifkooda aad uga naxeen markii ay maqleen magacooda, waxaana ku farxay Shacbiga Soomaliyeed ee Islaamka ah, xalaasha ah, xaq u dirirka ah, xornimo doonka ah, waddanayiinta ah, gumeysi diidka ah, caddaalad doonka ah, waxaana halku-dhiggoodu yahay Somali-Somali-Baa-Leh.

SomaliSwiss Thun-Swiss

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: