Madaxweynaha Konfederaalka Switzerland Marwa Calmy-Rey oo uga baaqday Golaha guud ee Qaramada Midoobay in si sax ah loo isticmaalo nidaamka Caalamida ee u dhigan Ururka.

Halkaan ka akhri

New York (SomaliSwiss) 27.09.2007

Madaxweynaha Konfederaalka dalkan Switzerland Marwa Micheline Calmy-Rey, isla markaasna ah Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalkan, ayaa shalay ka hadashay shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay oo dorraat ka furmay daarta Miraayadda ah ee Xarunta QM ee New York.

Marwa Calmy-Rey ayaa u sheegtay wadamada ka soo qayb galay kulanka shirweynaha QM, inay mas’uul ka yihiin dhibaatooyinka ka dhacayo Caalamka, wadan kastana looga baahan yahay inuu qaato inta kaga soo aado.

Haweynaydan oo mas’uulka ka ah Diblomaasiyada Siyaasadeed ee dalkan Swiss-ka , ayaa waxay si aad ah uga hadashay tixgelin la’aanta Xuquuqda Aadanaha sheegtay in la baal maray sharciyada u dhigan .

Wasiirku waxay uga baaqday shirweynaha in si sax ah loo isticmaalo nidaamka iyo sharciyada u dhigan Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinaca horumarinta, waxayna ka qayb galayaasha xasuusisay inay weli wax ka dhiman yahay wadadii lagu gaari lahaa himilada Millenium-ka ee ahaa in 50% la yareeyo dadka ku nool wax ka yar hal Dollar maalintiiba.

Swiss-ka ayaa doonaya inuu u istaago, sidii kor loogu qaadi lahaa guud ahaan habka shaqada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna gacan xoog leh siyaa Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon, sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha ay wadaan hay’adaha hoos yimaada Qaramada Midoobay, sidaas ayey ku soo gebagebeysay hadalkeeda Marwa Calmy-Rey.

SomaliSwiss Zürich

Xigasho Swissinfo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: