Haween & Caruur gaaraya illaa 1-Milyan ayey bara kiciyeen Ciidamada DKMG ah & kuwa Ethiopia, kuwaasoo gaaray Gobolka Sh/Dhexe.

Halkaan ka akhri

Qoysas aad u fara badan oo ay bara kiciyeen Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia kuwasoo ka barakacay xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa haatan gaaraya deegaano ka mid ah Gobolka Shabeelaha dhexe.

Boqolaal qoysas ah oo ka barakacay Magaalada Muqdisho iyagoo ka cararaya dhibaatada ay ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka ahba ayaa gaaray deegaano fara bada oo katirsan gobolka Shshabeelaha dhexe oo ay ka mid yihiin deegmooyinka Balcad, Qalimow, Jowhar, Buurfuule, Caloobaaley, iyo deegaano kale oo tuulooyin ah kuwaas oo dhamaantoodba katirsan Gobolka shabeelaha dhexe.

Qoysaskaan ka barakacay Magaalada Muqdisho waxa ay ka qaxeen degmada Yaaqshiid xaafadaheeda kala Gadisan gaar ahaan xaafadaha Tawakal Carafaat iyo meelo kale oo ka mid ah degmada Yaaqshiid iyo xaafada kalaba.

Waxaana goobaha ay gaareen qoysaskaasi ay ka dageen meelo banaan oo aysan jirin cid uga horaysa, balse markii ay gaareen tuulooyinkaas ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dadkii degaanka ee reer baadiyaha ahaa oo iyagu halkaasi kudhaqnaa weligood.

Dadkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in goobaha ay gaareen in aysan cidna ka aqoon balse ay maciin bideen markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada ka aloosan Caasimada Magaalada Muqdisho.

Dadkan u barakacay Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ay ka hayaameen Magaalada Muqdisho iyo guryahoodii kadib markii Maalintii shalay ahayd Ciidamo katirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ay ku amreen dadkaan in ay faarujiyaan guryahooda si markaasi goobaha ay deganyihiin Ciidamaddu ay baaritaano uga sameeyaan.

Qaar ka mid ah qoysaskaani ayaa waxaa ay sheegeen in xiligaan ay la daalaa dhacayaan helista adeegyadii ay u baahnaayeen.

Dadkaan barakacay ayaa sheegay in aysan marna kusoo noqon doonin Xaafadohoodii kuyaalay Magaalada Muqdisho illaa Ciidamada Ethiopia ay wadanka kabaxayaan, kuwa Dowladana Banaanka looga saarayo.

Dadkan ubara kacay Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa gaaraya in kabadan illaa 1-milyan oo shacab ah.

Waxaana halkaasi maalmihii ugu dambeeyay gaaray hey┬┤adaha xuquuqul insaanka ee caawiya dadka dhibaateysan, kuwaasoo halkaasi ugu geeyay nolol maalmeed ay dadkaasi kunoolaadaan.

Ha┬┤adahan ayaa sheegay waxa ay dadka siinayaan in ayan waxba utareynin balse ay dirsanayaan caalmo dheeraad ah oo deg deg loogula soo gaaro dadkan dhibaateysan.

Horay ayaa waxaa u gaaray deegaanada Lafoole, Ceelasha Biyaha, Jaamacaddii Hore ee Muqdisho iyo deegaano kale oo ka fog fog boqolaal qoysas ah oo ka barakacay Magaalada Muqdisho si markaasi ay u helaan goobo ka nabdoon halkii ay uga noolaayeen Muqdisho oo hoy u noqotay ammaan daro, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskaasina aysan helin wali kaabayaasha Nolosha aadanaha ee Hoyga, Cunna dheeli tiran oo fiican Musqulo iyo goobo ku haboon deegaanka.

SomaliSwiss Xafiiska Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: