Dagaal qaraar oo baabur lagu gubay ayaa oo kadhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka caawa uu yahay mid si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho oo dhan.

Heesta Maanta :Marxab yaa Ramadaan

diyaarad-lasoo-riday1.jpg

Halkaan ka akhri

Dagaal xoogan oo baabur lagu gubay saacadana socday oo kadhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka caawa uu yahay mid si weyn looga dareemay Magaalada oo idil, dagaalkan oo u dhaxeya Ciidamada Muqaawamada dib u xureynta iyo raja soo celinta Soomaaliya oo kaashanaayo shacabka ku dhaqan Xaafadaha Muqdisho iyo Ciidamada daba dhilifka ee Dowladda KMG & kuwa gumeystaha Itoobiya oo meel ah.

Dagaalkan oo ka soo bilaawday Jaamacada Muqdisho ayaa ku soo fiday laamiga ilaa iyo Miisanka dhuxusha iyadoona la maqlayo hugunka madaafiicda waaweyn iyo midka yar yar, weli waxaa dhacaya hubka cul culus.

Dadka degan deegaanka Carafaad iyo Towfiiq iyo xaafada kale ayaa sheegaya in Caawa xaalku xunyahay, waxaana laga cabsi qabaa in Muqdisho oo idil uu dagaalku ku faafo iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka bilwaado gooba horleh oo xiligaan leys hor fadhiyo, iyadoo meelaha qaarna xabado yar yar laga maqlayo.

Waxaa la arkayaa  holaca dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay leyihiin ciidamada dowlada KMG ah kuwaas oo lala helay xabadaha Baasuuke, waxaa cad in ay dad badan halkaa ku geeriyoodeen labada dhinacba, sidoo kale waxaa dhici kara in ay dad badan oo rayid ahna ay ku ax yeeloobaan madaafiicdii lagu qaraacay guryaha shacabka.

Xaafadaha qaar ayaa la arkayay rag hubeysan oo dhex socda kuwaasoo ay sheegeen dadka deegaanka xaafadahaasi in ay shacabka dhahayeen kabaxa xaafadahan Ciidamada cadowga madaafiicdooda yeysan idin soo gaarin.

Mid kamid ahaa Ciidamadii Muqaawamada ee xaafadaha dhex socday ayaa wariyeheena SomaliSwiss ushegay in ay ka go´an tahay caawa iney kasaaraan Ciidamada Dowldda iyo kuwa Ethiopia oo iyagu xera kadhigtay Jaamacada Muqdisho iyo meela kale.

Dadka deegaanada xaafadaha dagaalada ay ka dhacayaan ayaa ah kuwa aan ogeyn meel ay uga baxaan dagaalkan, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay isaga qexeen dad aad ufara badan, kuwaasoo gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: