150 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo isku raacay in Madaxda Sare Dowladda KMG la hor-keeno Barlamaanka.

Halkaan ka akhri

Baydhabo (SomaliSwiss) 27.09.2007

Shir ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yeesheen Xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxay ga’aansadeen in khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka lagu dhameeyo qaab sharci ah.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoomiye ka ahaa Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Shiikh Aadan Madoobe, ayaa waxaa warbixin looga dhegeystay guddi uu baarlamaanka u saaray in ay ka soo talo bixiyaan sida laga yeelayo mad-madowga soo kala dhexgalay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed Mudanayaasha waxay isku raaceen in qaab sharci ah loo wajaho xalinta mad-madowga soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee kulankan ayaa waxaa soo xaadiray 160 Xildhibaan, balse 150 xildhibaan ayaa isku raacday in Madfaxda sare la hor keeno Barlamaanka si loo gorfeeyo waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin.

Waa markii ugu horeysay oo uu Baarlamaanka Soomaaliya isku raaco in is-qabadka madaxda sare ee Dowladda Federaalka lagu dhameeyo qaab sharci ah.

SomaliSwiss Xafiiska Baydhabo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: