Weerar culus oo xalay lagu dilay Gudoomiyaha degmada Huruwaay & ku xigeenkiisa oo ladhaawacay, & Sarkaal ka tirsaan Ciidmada Dowlada KMG oo isna Saldhiga Huruwaay lagu dilay.

 Heesta Maanta :Marxab yaa Ramadaan

Huruwaay

Halkaan ka akhri

Labo qof oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii degmada Huruwaay ayaa ku geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Ciidamada wax iska caabinta ay weerar ku qaadeen xalay saqdii dhexe saldhiga Ciidamada Booliska degmada Huruwaay ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaan ayaa lagu qaaday 11:00 oo habeenimo kaasoo socday Muddo ku dhawaad labo saacadood ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Guddoomiyihii degmada Huruwaay Cabdi Xuseen Absuge, iyadoo sidoo kale la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray kuxigeenka Guddoomiyaha degmadaasi Cabdulaahi Macalin Axmed.

Guddoomiyihiii degmada Huruwaay ayaa la sheegay in Ciidamo hubaysan ay gurigiisa oo aan ka fogayn saldhiga Booliska degmada Huruwaay ay ugu galeen kadibna ay ku toogteen halkaasi.

Weerarkii xalay lagu qaaday saldhiga degmada Huruwaay ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday sargaal katirsan Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Xaashi Jimcaalle halka askari kale oo katirsan Ciidamadaasi uu dhaawac ka soo gaaray.

Xaalada degmada Huruwaay ayaa saaka degan inkasoo dhalinyarada kudhaqan xaafadaha ku dhow dhow saldhiga ay isaga carareen guryahooda subaxnimadii saaka iyagoo ka baqanaya iney qafaashaan ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopian-ka oo iyagu mar kasta oo laweeraray meelaha ay degan yihiin olole kuqaada goobaha ka agdhow dadkana soo xir xira.

Maaha markii ugu horeysay ee ladilo Gudoomiye Degmo amaba laweeraro Saldhigyada ay degan yihiin Ciidamada Dowlada & kuwa Ethiopian-kaba.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: