War Saxaafadeed ay soo saareen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye kaasoo ay ku Cambaareynayaan barakicinta cusub ee lagu hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 Heesta Maanta :Marxab yaa Ramadaan

Halkaan ka akhri

Muqdisho Arbaco (SomaliSwiss) 26.09.2007

War saxaafaded ay maanta soo saareen Golaha Midnimada iyo dhaqanka beelaha Hawiye garabka uu hogaamiyo Max’ed Xasan Xaad ayaa waxaa ay ku canbaareyeen howshii shalay ay Ciidamada dawladda kaga barakiciyeen dadka deegaano ay ka mid yihiin Tawakal iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid.

Afhayeenka Golahaas Cali Dheere ayaa saxaafadda u sheegay in Odayaasha Hawiye ay ka soo horjeedaan barakicinta Cusub ee lagu hayo shacabka Somaliyeed iyagoona ka digay dhibaatada ka dhalan karta mar kale oo dadkii la sii raacdeeyo.

Warku wuxuu intaa raaciyey in Odayaashu ku sheegeen bayaankooda inay ka xumaadeen falkii ay ku dhaqaaqeen qeybo ka mid ah Ciidamada dawladda kuwaasi oo hanjabaadyo u jeediyay dadka deegaanada Tawakal iyo Carafaat iyagoona ku amray in ay guuraan.

Odaayasha Waxay falkaasi ku tilmaameen mid ka fog qaranimo, waxayna ku canaantay dawladda hadii ay shacab dawlad u yihiin in ay ceshtaan Ciidamada ay shacabka ku sii daayeen ee dhibaatada xoogan ku haya.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: