Raìsul-wasaare Geedi oo maanta booqasho uga tagay Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

 

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 23.09.2007

War uu noo soo diray wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’isul-wasaare Geeddi uu barqanimaddii maanta booqasho sharaf ugu tegay Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan Siyaasadda dalka gaar ahaan, khilaafka soo kala dhex-galay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha Tallabadda lagu soo xiray Guddoomiyihii Maxkamadadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay laga soo qabtay gudaha magaaladda Baydhabo .

Warku wuxuu intaa ku daray in Ra’isul-wasaare Geedi uu maanta ka qayb galay Kulan ka dhacay Guri ku yaalla Xaafadda Sii Sii ee Degmadda Yaaqshiid, kulankaas oo ay isugu yimaadeen Asaasayaasha Dalladda cusub ee Ururradda Bulshada Rayidka ee Deegaannadda Ex-Banadir iyo Siyaasiyiinta kale ee ay isku haybta yihiin Mudane Geedi, hase ahaatee waxaa laga wada hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dadka ku tabaaleysan gobolkan Banaadir sidii wax loogu qaban lahaa.

Intii uu socday kulankan ayaa la sheegay in xoog badan ay u ilaalinayeen amamanka guud ee deegaankaas Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda KMG ah, waxaana la xiray Wadadada isku xirta Hotel Laf-weyn ilaa iyo Xaafadda Beyxaani.

Si kastaba ha ahaatee, Kulamada uu Cali Geeddi uu la yeeshay Imaamka iyo Bulshada Rayidka ah, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Isbedello Siyaasadeed ka dhacayaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: