Nuklear: Waddankii gacan siiya ama u fududeeya weerarka Mareykanka ee kadhanka ah Iran, waxaan ku gumaadi doonaa Gantaaladeena.

 

Halkaan ka akhri

Tehran (SomaliSwiss) 23.09.2007

Iran waxay ku garaaci doontaa Gantaaladeeda,waddan kasta oo u sahla cadawgeeda ama siiya saldhig Mareykanka,haddii loogu soo duulo,si loo waxyeeleeyodhigyada Nuklearka ee dowladda Islaamka ah; sidaas waxaa caddeeyey maanta Taliyaha Pasdaran (Taliyaha Ilaala Kacaanka Dowladda Islaamiga ah ee Iran), Mudane Mohamed Ali Jafari.

Taliyaha Ilaala Kacaanka Mudane Mohamed Ali, wuxuu digniin culus ku bixiyey, asagoo la hadlayo Wakaaladda wararka ee dalka Iran ee Fars, wuxuu si caddaan ah u sheegay dal allaale dalkii Isbahaysi la leh cadowga dowladda Islaamka ee Iran, waxaan u qaadanaynaa cadowgeena, kuwaasi waxay jawaab ahaan u helayaan Gantaalladeenna.

Dhinac kale haddii laga eego, ayuu yiri Mudane Mohamed Ali weerarka ay soo qaadi doonaan Mareykanka, Iraan ugama jawaabi doonto “Teknolojiya lidkeeda Teknolojiya kale”, balse waxaan og-nahay qalabka uu qabo cadowga, haddana waan og-nahay, waana ogaan doonaa meesha uu ka jilicsan yahay cadowga.

Mar hore ayey u go’aansadeen madaxda sare ee Iran, haddii uu Mareykanku na soo weeraro, annaguna aan weerari doonaa meel kasta Caalamkaka mid ah oo danihiisa ku jirto .

Tarjume: Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: