Dowladda Federaalka Swiss-ka oo u magacowday Mudane Jacques Watteville inuu ugu Wakiil noqdo Xarunta Midowga Yurub ee Bruxelles.

Halkaan ka akhri

Bruxelles (SomaliSwiss) 23.09.2007

Mudane Jacques Watteville oo ah khabiir dhaqaalyahan ah, ayaa Swiss-ku u magacaabay inuu uga wakiil noqdo Xarunta Midowga Yurub ee Bruxelles .

Safiirka Cusub wuxuu horay ugu soo shaqeeyey Waaxda Arrimaha dibedda ee dowladda Federaalka Switzerland, wuxuuna beddeli doonaa Mudane Bernhard Marfurt oo hadda Swiss-ka uga wakiil ahaa Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuu oggolaaday magacaabidda Mudane Jacques,sidaas waxaa lagu shaaciyey wargeyska “Neue Luzerner Zeitung”; Safiirka cusub, wuxuu ka soo shaqeeyey, wakiilna ugu ahaa Swiss-ku dalka Siriya ee Damasco.

Tarjume: Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: