Afurinta Bisha Ramadan dadka ku tabaaleysan ee Soomaaliya ee Hay’dda Horumarinta Afrika(ADT).

Halkaan ka akhri

Muqdisho (SomaliSwiss) 23.09.2007

Hay’ad lagu magacaabo Horumarinta Afrika (African Development Trust ) oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee Dalka Ingriiska oo sanadahan dambe ka wadey howal balaaran oo wax looga qabanayo dadka soomaaliyeed oo ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya .

Sidoo kale Hay’adan waxay gacan ka geysataa Afurinta dadka masaakiinta ah ee Sooman bishan Ramadaanka,si ay u gutaan waajibaadka ILaahiga ah.

 

Dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaanka ee sanadkan, hay’ada waxay iska xil saartay inay Afuriso habeen kasta dad gaarayo ilaa 150 qof oo ku nool Magaaladan Muqdisho, kuwaas oo aan awoodin inay iskood u Afuraan.

 

 

Hay’adda Horumarinta Afrika, waxay kaloo xarumo ka furi doontaa Magaalooyinka Afgooye, Baydhabo, Baardheere, Gaalkacayo, Waajid, Kismaayo, Mandheera iyo Xagar-dheer.

Sidaas awgeed waxay dadka Soomaaliyeed ku nool Gudaha iyo dibedda dalka ay ka codsanaysaa inay soo gaarsiyaan wixii tabarucaad ah ama nooc kasta oo kaalma ah ee ay doonayaa inay ku sadaqaystaan walaalahooda ku tabaaleysan gudaha dalka.

 

Hay’addan waxaad kala soo xiriiri kartaan Telefonada iyo emailada hoos ku qoran:

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: