Waxaan la dagaallamaynaa Cabsida badan, waxaan si dimoqraadi ah u soo ceshanaynaa xaquuqdeenna, waa laga gudbay waqtigii midib-takoorka !!!.

7 Black

Halkaan ka akhri

BERNA Khamiis (SomaliSwiss) 20.09.2007

Waxaan la dagaallamayna Cabsida, waxaan si dimoqraadi ah u soo ceshanaynaa Xaquuqdeenna, waa laga gudbay waqtigii Midibtakoorka !!!,Ereyadan waa islooganada ay soo bandhigeen koox Afro-Swiss ah oo Musharaxiinka ah Axsaabta Bidixda ah.

7 Black

Axsaabta Bidaxda ah ee dalkan Swiss-ka, sida Xisbiga Ps,Verdi iyo Ppd,ayaa waxay ka dhawaajiyeen Olole nooc cusub ah ee ay ugu jawaabayaan Ololihii midib-takoorka ahaa ee ay wadeen Xisbiyada Midigta ee lagu dicaayadeynayey Laxda Madow.

Axsaabta Bidixda ah ayaa waxay soo saareen Musharaxiin dad Afrikaan ah ee haysta dhalashada dalkan Switzerland, si ay uga qayb galaan tartanka doorashooyinka ee dhici doona 21ka Oktoobar ee sanadkan.

Warsaxaafadeed ay shalay ka soo saareen axsaabtan ayaa laga sheegay in dalka Swiss-ku ay ku nool yihiin 1,5milyan oo ajaanib, taasoo ay ka dhigan tahay 5 meelood meel ka mid ah bulshada Switzerland, sidaas darteed waxay xaq u leeyihiin inay ku yeeshaan dadkii u matali lahaa Barlamaanka dhexe ee dalkan Swiss-ka.

Goobta Warsaxaafadeedka lagu qabtay ayaa waxaa lagu caddeeyey in 7ba qof oo ka soo jeeda Afrika ay yihiin Musharaxiinta Xisbiyada hoos ku qoran:-

Mudane Alpha Dramé oo ah Musharaxa Xisbiga Verdi ee Genevé, kana mid ah Golaha deegaanka Genevé, kana soo jeeda Afrika,“looma adkeysan karo dicaayada Laxda Madow ee ololaha Islooganka xisbiga UDC, mana aha wax la aqbali karo” sidaas waxaa yiri Mudane Alpha.

 Mudane Carl-Alex Ridoré, “ haddii uu maqaakeennu midow yahay, ma ahan oo keliya in aan ka hadalno socdaalka dadka soo gelootiga ah iyo dhibaatooyinkooda, balse waa in wax kasta oo looga hadlaya Swiss-ka”sidaas waxaa sheegay Carl-Alex.

Mudane Andrew Katumba, oo Musharaxa Xisbiga PS, kana mid ah Golaha deegaanka Zürich “Swiss-ka waxaa ka jira Xoogag Siyaasadeed ee abuuriya is fahan la’aan, inta ay sameyn lahaayeen jawi is aamin”, sidaas waxaa caddeeyey Mudane Katumbo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka Ajaanibka ay ka dhergeen hondadaad af ah.

 Mudane Ricardo Lumengo, oo ka mid ah Barlamaanka Kanton Berna ,“ ma doonaysiin in aan idin tusno inay jiraan Jaaliyado ah Afro-Swiss ah oo si wanaagsan u dhex-galay bulshada Swiss-ka, ma doonaysaan in aan ka qayb galno nolosha dalkan”, sidaas waxaa daaha ka qaaday Mudane Ricardo oo musharax ka ah Xisbiga Socialistaha.

Mudane Serge Sagbo, oo Musharaxa Xisbiga Shacabka (PPD), “Xisbiyada Bidixda waxaa ka maqan xushmada qofka Aadanaha ah, mana oga in midibada kala duwan ay tahay hodannimada dalkan Swiss-ka”.

Marwa Nathalie Fellrath-Owanga, oo ka mid ah Barlamaanka Kanotn Neuchötel, kana soo jeeda Afrika, ahna Mushaxa Xisbiga Socialistaha, waxay tiri: “ waxaan dereemayaa inay iga saaran tahay mas’uuliyad jaaliyadda Afrikaanka ah”.

Xihasho Swissinfo

Tarjume: A.Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

Sieben Farbige wollen in den Nationalrat. Der SP-Gemeinderat Andrew Katumba wirbt für sich auf Schwarzes-schaf.ch.

Die farbigen Nationalratskandidaten (v. l.): Ricardo Lumengo, Natalie Fellrath-Owanga, Andrew Katumba, Alpha Drame, Serge Sagbo, Félicienne Villoz Lusamba Muamba, Carl-Alex Ridoré. (Keystone)

«Die SVP hat mit ihren Forderungen und Plakaten das Image der Schweiz im Ausland nachhaltig beschädigt», so der Zürcher Gemeinderat Andrew Katumba (SP). Er sei von ausländischen Journalis-ten gefragt worden, ob er in der Schweiz noch herumlaufen könne, ohne verprügelt zu werden.

Um für eine offene und tolerante Schweiz zu werben, stellten gestern sieben Kandidaten afrikanischer Herkunft vor, für was sie in Bern kämpfen wollen: Integration, Chancengleichheit, Umwelt, Vereinbarkeit von Familie und Beruf sowie die Bekämpfung der Jugendgewalt.

Den Wahlkampf selbst nimmt Katumba mit einer gehörigen Portion Selbstironie: Auf http://www.schwarzes-schaf.ch und mit Plakaten, auf denen er sich selbst als schwarzes Schaf bezeichnet, wirbt er in Anspielung auf die Schäfchen-Kampagne der SVP für seine Anliegen. «Ich glaube, dass es einer bis zwei Kandidaten mit afrikanischen Wurzeln schaffen könnten», so der 36-Jährige.

Sourse http://www.20min.ch/news/schweiz/story/29107801

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: