Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee wadankan Switzerland oo banaanbax aad u balaaran ka hor dhigay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Ogaden

Sawirada hoos ka Daawo

Halkaan ka akhri

Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeenya ee  maanta ka dhacay Switzerland 20ka September 2007

Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee wadankan Switzerland ayaa waxay banaanbax aad u balaaran ka hor dhigeen xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee wadanka Switzerland, halkaas oo uu ka socday kalfadhigii lixaad ee hayada xuquuqul insaanka adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Mudaaharaadkii Maanta 20. Sep 2007

Banaanbaxa oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galey dadweyne ka tirsan Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya iyo Jamhuuriyada xorta ahayd ee Soomaaliya iyagoo ka cabanaya gumaysiga la haray shacbiga Ogadeniya, xasuuqa iyo gabood fallada gumaystahaas oo ay kamid yihiin dilka, cuna qabateeynta, kufsiga, dhaca, xariga, gubitaanka tuulooyinka, duugidda ceelasha iyo isir baabi’inta laguhayo shacbiga Ogaadeeniya.

Ka soo qaybgalayaasha banaanbaxaas ballaaran ayaa halku dhegyada ay ku dhawaaqayeen waxaa kamid ahaa :

Wuu dhamaaday xilligii gumaysiga,,

Ummadda Ogadenya waa inay xorriyaddooda helaan

Aduunwaynuha waa inuu badbaadiyaa shacbiga Ogadeniya oo lagu hayo isir baa bi‘inta

Waa in adduun waynaha dhaqaalaha ka joojiyaan kaligii taliye Meles Zenawi dhaqaalaha la siiyo iyo gargaarka aduunkaba wuxuu u isticmaalaa xasuuqidda iyo gumaadka shacabka Ogaadeenya .

Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland waxay hay’adaha caalamiga iyo dawladaha deeqda bixiyo ka codsatay inta uu banaanbaxani socday in kaalmo degdega lala gaaro kumanaan qof reer Ogaadeenya ah oo aay saameeysay baahi iyo barakac si bareedh ah uu u abuuray taliska itoobiya ujeedaduna tahay sidii umada looga barakicin lahaa loolana wareegi lahaa dalkooda.

Waxaa kaloo banaanbaxayaashu codsadeen in hayadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqul insaanka tagaan gobalada iyo dagmooyinka sida dhabta ah aay u saamaysay welina ka muuqato gabood-falyada ciidamada gumeeysiga isla markaana u magacaabaan Ogaadenya (Specail Rapporteur) laguna dhameeyo dhibaatada ka taagan Ogaadeenya sida aay shacabku doonayaan.

Jaaliyadda oo banaan baxeeda uu bilowday 08da aroornimo ayaa waxa uu dhamaaday 12ka duhurnimo ayaga oo qaybinayay qoraallo ay ugu talageen wufuuda kala duwan ee shirkaas ka qayb galaysay iyo saxaafadda aduunkaba.

Qoraaladaas ayaa waxay ka warbixinayeen taariikhda kala duwan iyo gabood falladii aay ka geysteen gobalka Ogadenya maamuladii kala duwanaa ee soo maray Ethiopia oo uu ka mid yahay maamulka hada Addis-Ababa ka jira, qoraalku wuxuu carabka ku adkeenayay in Soomaalida Ogaadeenya aanay aheyn Ethiopian oo aay yihiin ummad gumeysi gacanta ugu jira, una baahna in aay xuquuqdooda aasaasiga ah helaan oo aay ugu horeeyso xaqa aay u leeyihiin in aay aayahooda ka tashadaan.

Ugu danbeyntii banaanbaxan oo ku dhamaaday guul, wuxuu ku soo aaday xili xasaasi ah oo aay Qaramada Midoobay iyo dunida oo dhan hadal hayaan dhibaatada ka taagan Ogaadeenya.

xubnaha Jaaliyaduna waxay ku balameen in aay badiyaan banaanbaxyada noocan oo kale ah oo lagu soo bandhigayo dhibaatada uu gumeysiga madoow u gaysanayo shacabiga Ogaadeenya.

Jaaliyaddu waxey si weyn ugu mahad celinaysaa walaalahayaga Soomaaliyeed ee nagala soo qeyb galay si hagarla’aan ah banaanbaxan ayagoo muujinayay in aanay raalli ka ahayn dulmiga lagu hayo shacbiga ogaadeenya .

A.M.

Geneva, Switzerland

communauteogaden@net2000.ch  

SomaliSwiss@hotmail.com

Ogaden8765432

Sawir qaade Mr. Garabey

%d bloggers like this: