Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mudane Kofi Annan oo maanta ku soo bandhigay dastuur hay’ad cusub oo loogu magac daray “Forum-ka Bani’aadannimada Caalamiga ah”.

kofi-annan.jpg

Halkaan ka akhri

Genevé Isniin (SomaliSwiss) 17.09.2007

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mudane Kofi Annan, ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Genevé Dastuurka hay’ad cusub “Forum-ka Bani’aadannimada Caalamiga ah” ee uu dhidibada u aasay Mudane Annan bishii Juun ee Sanadkan.

Ujeedada loo dhisay Forum-kan ayaa lagu sheegay inuu u howl gelayo sidii loogu hortagi lahaa musiibooyinka la soo gudboonaado Caalamka ee waxyeelo u geysto bani’aadannimada, “sidaas waxaa maanta shaaciyey Kofi Annan.

“waxaan maanta si aad ah u aragnaa dhaqdhaqaaq badan ee bani’aadannimo, balse waxaa loo baahan yahay in maskaxdu ay si sax ah u shaqeyso”; ayuu yiri Mudane Annan, wuxuuna intaas ku daray ee uu yiri “Looma baahna oo keliya in la kaalmeeyo dadka, balse waxaa loo baahan yahay in marka hore la yareeyo kubaca Musiibooyinka ka dhaca Caalamka.

Ururkan oo loogu magac daray “Forum Umanitario” wuxuu la shaqayn doonaa qaybo ka mid ah Ururro Bulshadeed iyo dowladeed ee Caalamiga ah, iyadoo loo marayo Cilmiga Akedeemiyada Caalamka.

Mudane Kofi Annan wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay ee uu yiri; “Shirkadda Koko kala, waxay Cabitaankeeda gaarsiisaa tuulo kasta oo ka go’an Caalamka”, balse waxaa la yaab leh beesha Caalamka oo idil waxa ay u awoodi weyday inay gaarsiiso daawo ay u baahan yihiin dad aad u buka.

Mashruuca Hay’adda Forum-kan ayaa gacantii uga horreysay ka helay maalgelin dhan 1,3 Milyan oo Franka Swiss ah, Waaxda Arrimaha Dibedda ee dowlada Federaalka Switzerland, sidaas waxaa caddeeyey Mas’uul ka tirsan Wasaradda Arimaha Dibedda ee Swiss-ka.

Howsha uga horreysa ee Forum-kan cusub ay ku dhaqaaqayo bisha soo socoto ayaa ah, wax ka qabadka Cimilada wasaqaysan ee Musiibooyinka Koonka ku keena .

Saldhigga Hay’addan ayaa laga dhigay Tuulo VILLA RIGOT ee u dhow Magaalada Genevé ee ah Xarunta labaad ee Qaramada Midoobay.

Xigasho Swissinfo

Tarjume A. Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: