Nin gacan ku dhiigle ahaa ee shalay nin ku dilay Magaalada Kismaayo oo isna dil qisaas ah lagu fuliyay maanta dad badan hortooda.

dil qisaas ah

Halkaan ka akhri

Odayaasha magaalada Kismaayo ayaa maanta Xukun Dil Qisaas ah ku fuliyay nin gacan ku dhiigle ahaa oo shalay nin kale ku dilay woqooyiga magaalada Kismaayo iyadoona ay dilka ninkaasi u riyaaqeen jufadii ninkii hore loo dilay uu kasoo jeeday.

Ninkan maanta la qisaasay ayaa lagu magacaabayay Saacid Cumar Diini kaasi oo shalay maqribkii toogasho ku dilay nin kale oo ku beel ah, waxaana maanta soo dhiibay ninkaasi beesha uu kasoo jeeday.

Afhayeenka Odayasha beesha Sade Xasan Dheere ayaa saxaafadda uga hadlay falkaasi iyo qaabkii u dhacay isagoona adkeeyay in falkaasi uu u dhacay sidii loo rabay isagoona sheegay in gacan ku dhiiglaha iyo ninka la dilayba ay kasoo wada jeedeen beesha Sade.

Waxgaradka, Culimaa’udinka iyo dadweynaha beesha Sade ayaa kasoo qeybgalay munaasabadii ninkaasi lagu qisaasay oo ka dhacday Xerada Mariina ee Xeebta magaalada Magaalada Kismaayo.

Beesha Sade iyo beelaha kale ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa isku wada raacay in cidii cid kale disha la marsiiyo sharciga Diinta Islaamka ee ah in loo dilo hadii ay sidaasi dalbadaan ehalada dadka qofka laga dilay.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: