Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo taageeray dadaalka ay wado dowladda Boqortooyada Sacuudiga ee lagu soo afjaro Colaadda gaamuurtay ee Soomaaliya.

eu_marc_andre.jpg

Halkaan ka akhri

Jiddah Isniin (SomaliSwiss) 17.09.2007

War uu qoray maanta wargeyska Al Sharqal-Awsadh ka soo baxa dalka boqortooyada Ingriiska ayaa sheegaya in Ergayga gaarka ee Ururka Midowga Yurub ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Mudane George Marc Andre inuu taageersan yahay dadaalka uu Boqorka dalka Sacuudiga, Boqor Cabdalla Bin C/casiis ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa xiisaha murugsan ee dalka Soomaaliya.

Mudane George Marc wuxuu sheegay inay jiraan Wada-tashiyo u socda Madaxda Ururka Midowga Yurub iyo Dowladda Sacuudiga, sidii wax looga qaban lahaa dagaalka sokeeye ee soo noqnoqanayo ee ka jira dalka Soomaaliya .

Ergeyga gaar ah ee M. Yurub Mudane George Marc Andre, ayaa la sheegay inuu shalay Booqasho howleed ku tegay magaaladda Jeddah,wuxuuna ka qeyb galay Xafladdii casho sharafta ahayd ee lagu maamusayey Wofdigii uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMGS .

Mudane George Marc, oo la hadlayey Saxaafadda, wuxuu sheegay in dadaalka siyaasadeed ee Dowladda Sacuudiga ugu jirto xal-u-helidda arrimaha dalka Somalia ay tahay tallaabo wanaagsan sidii loo sii ambaqaadi lahaa xal u helidda Siyaasadda Soomaaliya .

Ergeygu, wuxuu xusay in Dowladda Sacuudiga oo haatan madax kaa ah Ururka Jaamacadda Carabta uu doorkeeda u muuqdo mid ay isugu keeni karto dhammaan Kooxaha Soomaalida iyo dhinacyadda kale ee aan looga maarmin xal-u-helidda dhibaatooyinka ka aloosan dalka Somalia.

Sidoo kale, waxaa arrintan soo dhaweeyey Mas’uul ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta oo sheegay in dadaalka ay Dowladda Sacuudiga uga jirto Arrimaha Soomaalidu, waxaa loogu xil-saaray Shirkii 19-aad ee ay Madaxda Dowladaha Ururka Jaamacadda Carabta ee dhacay bishii Marso ee sannadkan, laguna qabtay dalka Sacuudiga.

SomaliSwiss Wakiilka Jiddah

smaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: