Maxaad kala Socotaa in Xoogagii Maxkamadaha ay kusoo laabanayaan dalka iyo Dowlada oo u guureyso Baydhaba toddobaadkaan (Sir-Culus).

Muqaawamada MMI

Halkaan ka akhri

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa jiray cadaadis xoogan oo maamulka Washington uu saarayay madaxda ugu sareysa Dowlada KMG ah ee Somalia gaar ahaan Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul-wasaare.

Cadaadistaan Mareykanka kaga imaanayay Dowlada KMG ayaa ahaa inay u guurto Baydhaba isla markaana magaalada Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay isaga baxaan dhamaan ciidamadeeda, isla markaana madaxda dowlada iyo ciidankaba u guuraan Baydhaba.

gmis

Mareykanka ayaa sheegay in Gobolada Banaadir, Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud loo baneeyo Maxkamadaha Islaamiga si ay ammaanka dib usoo celiyaan.

Arintaan ayaa timid kadib markii ay dhiiqo la gashay Dowlada KMG ah inay xaliso ammaanka goboladaan gaar ahaan magaalada Muqdisho oo qura, iyadoo lagaga horyimid weerar iyo qaraxyo ilaa maanta socda.

Ciidamada Ethiopian-ka ee joogay magaalada Muqdisho ayaa saakay tiradii ugu badneed u ambabaxeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, iyadoo ay sii raaceyn 2000 oo askari oo ciidamada Puntland ah kuwaaso fariisimo ka sameysan doona Baydhaba marka ay dowlada u guurto toddobaadkaan gudahiisa.

Madaxweyne Yuusuf, Geedi iyo Sheekh Aadan Madoobe oo ah saddex mas’uul ee ugu waa weyn Dowlada KMG ah ayaa xiligaan ka wada maqan gudaha dalka iyadoo aysan adduunka dhicin saddex mas’uul ee ugu waa weyn inay hal mar dal faarujiyaan taasoo niyad jab u keeni karta shacabka isla markaana loogu faa’iideysan karo in qilaab.

Arintaan ayaa cadeyneysa in mas’uuliyiinta Mareykanka ay Dowlada ka dhaadhiciyeen inay Baydhaba u guuraan iyadoo Saudi ay kula kulmi doonaan mas’uuliyiin Maxkamadaha ka tirsanaa iyo Xisbiga Asmara laga dhisay iyo Dowlada Mareykanka.

Marka ay soo dhameystaan howshooda saddexdaan mas’uul ayaa kasoo degi doona magaalada Baydhaba oo guryahoodii horey u degnaayeen hada la sii dayactirayo.

baydhaba.jpg

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee qaarkood ku sugan gudaha Muqdisho ayaa wada abaabul xoogan oo ay caasimada kula wareegayaan, iyadoo ciidamo kumanaan gaaraya oo uu horkacayo Sheekh Xasan Turki la soo wariyay inay kusoo fool leeyihiin Shabeelooyinka iyo Muqdisho.

Arintaan ayaa laga wada yaaban yahay, iyadoo shacabkana ay aad usoo dhaweeyeen inay Maxkamadaha dib u qabsadaan awooda dalka maadaama markii ay dalka xukumayeen la wada ogsoon yahay nabada ay dalka kusoo dabaaleen.

Abdifitahaam Ahmed

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: