Hogaamiyeyaasha dawlada KMG Somaliya ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-Cade International Atrport, iyagoo kusii jeeday Boqortooyada Saudi Arabia.

_39670215_abdullah_ap.jpg

Halkaan ka akhri

Muqdisho Axad (SomaliSwiss) 16.09.2007-09-16

Hogaamiyeyaasha dawlada KMG Somaliya iyo wufuud kamid ahaa kuwii ka qeybgalay shirkii Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeday dalka Sucuudiga kadib casuumaad uu u fidiyay Boqorka dalka Saudi Arabia Boqor Cabdalla.

Madaxweyne Yuusuf ayaa hogaaminayay Wafdigaasi iyadoo ay kamid ahayeen Raisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe, Maamulka gobolka Banadir iyo xubno kamid ah salaadiintii ka qeybgashay shirki Muqdisho.

Raisal Wasaare Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cade ee magaalada Muqdisho kahor intii aysan ka bixin ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ka danbeeyo ballan u dhexeysay iyaga iyo madaxda Sucuudiga balantaasi oo ku aadaneyd marka la dhameeyo shirka in ay soo aadan dalka Saudi Arabia.

Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in ay muujinayaan dhamaan beelaha Somaliyeed in ay heshiiyeen isla markaana laga gudbay wixii dhibaato ah ee u dhexeeyay shacabka iyo beelaha Somaliyeed.

Dawladda Sucuudiga ayaa dadaalkeedii ugu xooganaa ugu jirta sidii ay isugu keeni laheyd dhinacyada siyaasadda ku kala fogaaday si markaasi loga gudbo dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: