Khudbadii xasaasiga aheyd oo meela badan taabaneysay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka jeediyay Shirkii kusoo xirmay Magaalada Asmara (Hoos ka dhageyso).

Sheekh Shariif

Halkaan ka akhri

Shirkii uga socday Xubnaha sida weyn uga soo horjeeday joogitaanka ciidanka Ethiopia & Siyaasada Dowlada KMG ah ayaa xalay si rasmi ah shirkooda ku soo xiray Magaalada Asmara ee wadanka Eritrea.

Halkaan Ka Dhageyso Khudbaddii Sheekh Shariif

1

Magaalada Asmara ayaa waxaa lagu aas aasay Isbaheysiga loogu magacdaray Isbahaysiga Xoreynta iyo soo celinta Nabada Soomaliya, iyadoo shirkaas ay ka qeyb galeen sida Maxkamadaha Islaamiga ah, Xubnaha Baarlamanka Xorta ah, Soomaalida qurba jooga ah iyo Ururada Bulshada Rayidka Siyaasiyiin, Oday-dhaqameedyo.

shika1

Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa loo doortay inuu noqdo hogaamiyaha ugu sareeya Isbahaysigaan isagoo xalay sheekh Shariif uu ka jeediyey xiritaankii Shirka khudbad dheer oo uu kaga hadlayay u jeedadad siyaasada Isbahaysigaan.

Halkaan Ka Dhageyso Khudbaddii Sheekh Shariif

Cabdi Fitaax Maxamed Cali, oo ka tirsan xubnaha Isbaheysiga Xoreynta Somalia, oo ay xiriir la samaysay Shababkada wararka ee Horseednet kadib markii shirka la soo geba gebeeyay, ayaa sheegay in talaabada ugu horeysa oo ay qaad ayaan ay noqon doonto sidii ay magaalada Muqdisho ugu soo dhaqaaqi lahaayeen.

Waxa uu sheegay in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho aysan gacanta ku wada hayn Dowladda KMG ah iyo Ciidamada gumeysiga Ethiopia, ayna jiraan goobo ay ku xooggan yihiin, sida uu sheegay Ciidamada Muqaawamada.

Si kastaba ha ahaatee Isbaheysigaan oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Ummada Soomaaliyeed waxa ay dhowrayaan waxa uu ku dhaqaaqi doono.

Source Halgan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: