Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool 5ta Qaaradood oo Taageero u diray Isbahaysiga dib u Xureynta iyo soo Nooleynta Soomaaliya.

ubax.jpg

Halkaan ka akhri

Zürich Sabti (SomaliSwiss) 15.09.2997

Webka SomaliSwiss ayaa waxaa sida Roobka ugu soo daadanayaa Emaillada, ku saleysan Faxyada iyo warqadaha ay soo dirayaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool 5ta qaaradood, waxayna taageera buuxda u soo direen Isbahaysiga dib u Xureynta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee lagu soo dhisay shirkii ay isugu yimaadeen Waddaniyiintii iyo waxgaradkii u kacay Ummada Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Asmara ee caasimmadda dalka Eretreya kaasoo maalintii shalay aheyd lasoo gaba gabeeyay.

Jaaliyadaha waxay u rajeeyaan Isbahaysiga inuu noqdo kii Ummadda Soomaaliyeed ka qaadi lahaa dhibaatada muddada dheer haysatay.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa ah mid Ummada Somaaliyeed ay ku higsanayso sidii dalkooda iyo dadkoodaba u heli lahaayeen Nabadda, Midnimadda iyo Cadaalad.

Jaaliyadahan waxay u soo gudbinaayaan Mas’uuliyiintii xilka hoggaaminta loo doortay Taageera buuxda, Bogaadin iyo Hambalyo kal iyo laab ah ee ay u diraayaan guud ahaan dadkii ka qayb galay shirkii dhidibada looga aasay Isbahaysiga dib u xureynta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee lagu qabtay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Waddamada na soo gaarsiiyay hambalyooyinkooda iyo boogaadintooda waxaa ka mid ah: Jaaliyadda Dalkan Switzerland, Jarmalka, Sweden, British, Denmark, Norway, France, Belgium, Kanada, Amerika, Tanzaniya, Keniya, Sacuudiga, Malesia, Sudan iyo Indinesia.

SomaliSwiss Zürich

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: