Aqoon isweydaarsi ku saabsan habka guryaha loo kireysto oo la siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Bariga Swiss-ka.

St. Gallen 

Halkaan ka akhri

S.Gallen Axad (SomaliSwiss) 09.09.2007

Waxaa shalay lagu qabtay magaalada San Gallen ee Bariga Swiss-ka aqoon isweydaarsi ku saabsan Habka loo kireysto guryaha, waxaana si aad uga soo qayb galay Jaaliyadda ku nool Kanton S.Gallen iyo degmooyinka la xiriira.

Ugu horreyntii waxaa halkaas ka hadashay Guddoomiyaha Guddiga Jaaliyadda Bariga Swiss-ka Marwa Leyla Kanyare, waxay sheegtay in duruusta aqoon isweydaarsigan uu yahay mid wax weyn u tari doonto sidii ay dadka fahmi lahaayeen habka loo kireysto guryaha, warbixintaas ka dib waxaa hadalka lagu wareejiyey Frau Hiltbrand oo Khabiir ku ah sharciyada guryaha iyo nidaamka lagu kala kireysta.

Marwa Hiltbrand ayaa si fiican ugu sharaxday dadkii ka soo qayb galay aqoon isweydaarsiga, qodobbada ugu muhimsan ee lagama maarmaanka marka la kireysanayo guryaha oo Caqdiga la kala saxiixanayo, waxaana ka mid ah:

a)- In iyadoo la is hor-fadhiyo, wax kasta la kala caddeeyo oo la isla fahmo wixii mugdi ku jiro.

b)- Waxaad xaq u leedahay inaad ka fiirsato warqadda aad saxiixayso.

t)- Waa inaad iska eegtaa in Caqdigu aad la geleyso Milkiilaha guriga uu ku qoran yahay in muddo Saddex bil gudohooda aad ka bixi kartid iyo in kale, waayo waa la isku khiyaameyn karaa.

j)- Waxaa kaloo jira wax lagu khiyaameyn karo qof kireystaha ah Sida xisaabaha biyaha,korantada, biyaha kulul iyo waxyaabaha kululeeyo guryaha.

Marwa Hiltbrand waxay si aad uga hadashay deres wanaagga dadka aad la deggen tahay iyo inaad xiriir fiican aad la yeelato qofka ilaaliya daarta aad deggen tahay, waayo warbixintiisu aad baa loo qiimeeyaa ayey tiri Frau Hiltbrand.

Intaas ka dib, waxaa halkaas su’aalo ka soo jeediyey dadkii ka soo qayb galay aqoon isweydaarsigaas.

SomaliSwiss Zürich

W.Q Dhicisow

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: