Shirka Asmara oo maanta si rasmi ah u furmay & Madax fara badan oo ka khudbeysay (Sawirada hoos ka Daawo).

Shirka Asmara

Halkaan ka akhri

Shirkii ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Asmara kaasoo ay khudbado kala duwan uga jeediyeen Madaxda Maxaakiimta Islaamka, Madaxda Baarlamaanka Xotra ah, & Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, oo iyagu ku sugnaa madasha Shirka.

Shirka Asmara

Gudoomiyeyaasha Golayaasha Fulinta iyo Shurada Maxaakimta Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta hadalo kala duwan ka jeediyay furitaanka shirka Dib u heshiisiinta qaran ee Asmara ka bilowday maanta.

Shirka Asmara

Madaxdaasi ayaa mar kale ka qeybgalayaasha shirka oo ka badan illaa 400 oo qof wax qabadkii nidaamkii Maxaakimta Islaamka Somaliya iyo halgankii xooganaa oo ay u galeen sidi dalka uu kaga bixi lahaa dhibaatada iyo fowdada uu galay.

shirka asmar

Gudoomiyaha golaha Fulinta Maxaakimta Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa halkaasi ka sheegay in Maxaakimta Islaamka ay ahaayeen kuwo u istaagan nabad kusoo dabaalida Somaliya balse aysan aheyn sida la sheegay in ay ku xirnaayeen Ururo Argagixiso.

Sidoo kale Shirkan ayaa Siyaasiyiinta kasoo qeyb galay waxaa kamid ahaa,

1-Cumar Xaaji Masale

2-Faarax Weheliye Caddow Sindiko

3-Cusmaan Max’ed Jeelle

4-Max’ed Goodax Barre

5-Cabdi Ismaaciil Samatar 6-Jaamac Max’ed QaalibIyo siyiyiin kale oo aad u fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin hadii illaah yiraahdo gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Sheekh Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu baaq ugu jeediyay Mareykanka in uu wadahadal toos ah kala galo Mucaradka dawladda waxyaabaha ay tabanayaan isagoona adkeeyay in barnaaminjka argagixisada lagu doonayay dalka in lagu qabsado.

Sh. Xasan Daahir

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay dad badan is weydiinayeen ayaa isaguna maanta lagu arkay safka hore ee shirka isagoo xiran Suud Cagaar ah, waxaana halkaasi uu ka jeediyay hadal kooban. Shirka dib u heshiisiinta qaran ee Asmara ayaa laga rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo dhowr ah oo ku aadan isbadal lagu sameeyo Siyaasadda dalka isla markaana laga saaro dalka Ciidamada Ethiopian-ka ee xooga kusoo galay.

Sidoo kale waxaa halkaasi khudbado ka jeediyay Xuseen Caydiid oo isagu hadalkiisa ku bilaabay in ay dadweynaha Soomaaliyeed marka hore cafiyaan wax walba iyo wixii ay katabanayaan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Xorta ah Shariif Xassan Sh. Aadan oo isagu sheegay in ay xaq u leyihiin in ay Umadooda Soomaaliyeed Xornimo ku noolaadaan, Soomaalidoo dhanna ay tahay dad wada Islaam ah ee aan lagu mar mar siisan Argagixiso iyo waxaan jirin.

Wixii kusoo kordha kala soco SomaliSwiss

SomaliSwiss Wakiilka Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: