Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya waqtigan joogin wax la yiraahdo Argagaxiso.

geelle-1.jpg

Halkaan ka akhri

Jabuuti Axad (SomaliSwiss) 02.09.2007

*Wax la yiraahdo Argagixiso xilligan ma joogaan dalka Soomaaliya*,sidaas waxaa shaaca ka qaaday Madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geelle,wuxuuna intaas ku daray in Dowladda Fkmg ah ay mar waliba sheegto in weerarada lagu qaaday ay ka dambeyaan Kooxo Argagixiso,hase ahaatee wuxuu fikradaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Mudane Geelle ayaa sheegay in ku sugnaanta Ciidamada Itoobiyaanka ah, dalka Soomaaliya ay jiraan kooxo ka soo horjeeda ee diidan oo had iyo jeer weeraro ku qaada sidaas darteed waa in dadkaas xal loo helo, balse ma ahan in la yiraahdo argagixiso ayaa joogta Soomaaliya

Madaxweyne Geelle wuxuu meesha ka saaray in Dagaalada ka socda Muqdisho aysan wax lug ah ku laheyn kooxo Argagixiso, balse waxa weeye kooxo diidan siyaasada dowladda ay uga soo wacatay Ciidamada Itoobiyalagama, waxaana lagama maarmaan ah in Ciidamadaas meesha looga saaro si ay dhamaadaan colaadaha faraha badan ee dhiiga ku daadanaya.

Madaxweyne Geelle oo markii ugu horeysay ka dhawaajiyo in Dagaalada ka socda Soomaaliya aysan ku lug laheyn Shisheeye, iyadoo Dowladana ay aaminsan tahay in kooxo argagixiso oo shisheeye ay ku lug leedahay weerarada qaraxyada ka socda Magaalada Muqdisho .

SomaliSwiss Wakiikla Jabuuti

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: