Xisbiyada SVP & UDC ee dalkan Swiss-ka oo lagu soo Eedeeyey Midibtakoornimo.

midibtakoor.jpg

Halkaan ka akhri

Zürich Sabti (SomaliSwiss) 01.09.2007

Madaxweynaha Konfederaalka Swiss-ka Marwo Micheline Caly-Rey,ayaa ku tilaamaantay Xilkasnima-xumi in la sameeyo xayeysiin wax u dhimayo qof bani-aadan ah sida xayeysiintii uu soo bandhigay xisbigi SVP & UDC ee muujinayey 4ta Idood oo seddax midibkooda yahay Caddaan midda kalena ay Midowdahay, lana doonayo in laga saaro dalka Switzerland, sidaas awgeed Xiriiriyaha Qaramada Midowbay u qaabilsan Arrimaha Midibtakoorka ayaa wuxuu ka codsaday dowladda Swiss-ka in arrintaas meel ka istaagto.

“ Waxaa loo baahan yahay geesinnimo loogu hortago fikradaha noocan ah oo run ahaantii aan aniga iyo Bulshada Swiss-ka ay u dhadhamaynin, waayo waxay dhalinayaan Cadowtannimo, waxaana oran karnaa inay tahay arrintan Olole Midibtakoor” ,sidaas waxaa tiri Marwa Calmy-Rey dorraat, iyadoo wareysi siinaysa Raadiyaha Kanton Romanda.

Doodda Xayeysiintan oo xisbiga UDC uu ku weydiisinayey in laga saaro dadka Madow dalkan Swiss-ka ayaa fikrad ahaan la soo jeediyey Bisha Agosto 1dii oo ahayd dabaaldegga Maalinta Qaranka Swiss-ka.

SomaliSwiss Zürich

Tarjume: A. Dhicisow

Xigasho – Swissinfo

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: