Shirkii Asmara ee lagu Mucaaradayey Joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Geyiga Soomaaliyeed.

Eritrea.

Halkaan ka akhri

Asmara Sabti (SomaliSwiss) 01.09.2007

War ka soo baxay shalay Xarunta dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegaya in shirkii manta uga furmi lahaa Kooxaha mucaarad ku ah Joogitaan Ciidamada Itoobiyaanka gudaha dalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka oo dalka ku soo hoggaamisey cadowga soo jireenka ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka, haatanse ka mid ah Xubnaha ku kacsan Dowladda ayaa sheegay in dib loo dhigay Kulankii ay ku qaban lahaayeen Asmara ee Dalka Eritrea.

Shariifka oo ku sugan Magaalada Asmara ayaa ku tilmaamay dib u dhaca ku yimid shirkooda inuu yahay arrimo farsamo iyo ergooyinkii ka qeyb qaadan lahaa kulankood oo aan intooda badan soo xaadirin.

“Shirka waxaan rajeyneynaa inuu qabsoomo maalinta Khamiista, sababaha uu dib u dhaca uu ku yimid waa arrimo farsamo”ayuu yiri Shariifkii hore ee Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkan aanu aheyn mid siyaasadeed oo ujeedo iyo dan gaar ah laga leeyahay balse uu yahay shirkan mid lagu xureynayo dalka iyo dadka Soomaaliya sida uu yiri.

Shirkan ka furmaya Asmara ayaa hadal heyntiisa aad looga dareemayaa Gudaha iyo Dibada dalka Soomaaliya iyadoo ergada ka qeyb qaadaneysa la sheegayo in ay ka imaadeen shanta Qaaradood ee Caalamka.

Hogaamiyeyaasha Shirkan qaban qaabiyay oo kala ah Guddoomiyaha Sheekh Shariif iyo Barlamaanka xurta ah ee uu hogaaminayo Shariif Xasan.

SomaliSwiss Wakiilka Asmara

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: