Odayaasha Beelaha Hawiye oo Maanta Warsaxaafadeed ay ku diidan yihiin shirka Asmara ka soo saara Magaalada Muqdisho.

xaad

Halkaan ka akhri

Moqdisho Sabti (SoomaaliSwiss) 01.09.2007

Warsaxaafadeed oo uu maanta bixixiyey Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Mudane Maxamed Xasan Xaad , ayaa ka dhawaajiyay in Odayaasha Hawiye ka qayb galaynin shirka ka furmaya Asmara, wuxuuna shirkaas ku tilmaamay inuu yahay mid ay wataan dad shisheeye ah, sidoo kale waxay horey u diideen inay ka qaybgalaan Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee dorraat Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

Sidoo kale Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ku tilmaamay shirka ka furmaya Asmara ee maanta dib u dhacay inuu yahay mid aysan Ummadda Soomaaliyeed wax dan ah ku qabin, balse uu yahay mid ay wataan dad gaar ah oo dano gaar ah leh, isla markaana aysan diyaar u ahayn inay ka qaybgalaan.

“Shirka ka furmaya Asmara waa mid aan dani ugu jirin, Hawiye iyo Soomaali intaba, mana dhacayso inaan ka qaybgalno, inkastoo naloo soo diray fariimmo ku aaddan inaan shirkaas ka qaybgalno, haddana ma doonayno inaan qayb ka noqoto wax aan Soomaalida dan ugu jirin” ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in shirkaas uu yahay mid kale oola rabo in lagu marin-habaabinayo Soomaalida .

Mudane Axmed Diiriye wuxuu intaas raaciyeyayaa oo uu yiri “Annagu waxaa diidnay inaan ka qaybgalno shirkii hore ee lagu qabtay Muqdisho oo ahaa mid noo dhow, waxaana u aragnay inuu yahay mid aan Soomaalida dani ugu jirin, haddana mid kale oo naga fog Soomaalina aysan dan ugu jirin, waxay ila tahay inaysan noo mudnayn inaan ka qaybgalno”.

Si kastaba odayaasha Beelaha Hawiye, waxay u muuqdaan kuwo si weyn uga soo horjeestay shirka Asmara waa odayaashii Hawiye ee ugu horreeyay ee caddeeya mowqifka ay ka qabaan shirkaas, iyo ka qaybgalkooda, xilli ay soo baxayeen qabanqaabo loogu jiro sidii odayaasha Hawiye ee ku sugan Muqdisho, looga qeybgalin lahaa Shirka Asmara.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: