Magaalada Asmara oo ay ku qulqulaayaan Wufuudii ka qayb geli lahayd Shirka 01. Sep. ka furmaya magaaladaAsmara.

Asmara

Halkaan ka akhri

Dubai Khamiis (SomaliSwiss) 30.08.2007

Wararka naga soo gaaraya waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Magaalada Dubai ay isugu yimaadeen wufuudii lagu casumay inay ka qayb gelaan shirka lagu qabanayo Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo la filayo in shirka uu ka bilowdo Asmara 1da September.

Sida horayba loo loo sheegay shirkan waxaa soo qabanqaabiyey Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo Kooxda Barlamaanka Xorta ah,sidaas darteed shirkan ujeedadiisa ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay mid lagu mucaaradayo Joogitaanka Ciidamada Taliska Tigreega iyo Kooxda Mbegaati ee khiyaamaysay qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed .

Warkan oo inoo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee Dalka Imaaraadka ayaa wuxuu ku soo warramay in shalay oo Arbacada ahayd ay Magaalada Dubai ay ku kulmeen Soomaalida Qurbaawiga ah, waxaana ka mid ahaa: Hussein Aidid, Sharif Hassan Sh. Aden, Zakariye iyo Shakhsiyaad kale oo soomaali ah oo fursad u helay inay casuumadii ay kaga qayb geli lahaayeen Shirka Asmara.

Dadka isugu yimid Magaalada Dubai oo ka qeyb galayo shirka Asmara ayaa waxay ka kala yimaadeen wadamad Sweden, Norway, Ingariiska ,Talyaaniga, Switzerland, Jarmalka iyo wadamo kale oo badan .

Qabashada Shirka Asmara ayaa wuxuu ku soo aaday oo uu bilaabanayo xili uu fashil ku dhamadaay shirkii beelaha Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho.balse lama saadaalin karo sida uu ku dhamaanayo ama uu uu hirgali doono shirka Asmara.

SomaliSwiss Wakiilka Dubai

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: