Cali Mahdi Maxamed oo ka dhawaajiyay in aanu jirin shir kale oo dib u heshiisiineed oo la isugu soo noqonayo ama laqabanayo.

amin117

Halkaan ka akhri

Hogaanka Guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee maanta lasoo afjarayo ayaa sheegay inaanu jirin shir dib u heshiisiineed oo ay ka wada hadleen labada dowladood oo lagu qaban doono dalka Boqortooyada Sacuudiga hase yeeshee waxa uu qiray in la qorsheynayo in ergo ka tirsan shirka loo qaado dalka Sacuudiga si ay isugu soo dhaarsadaan fulinta waxyaabihii shirka ka soo baxay.

Sida uu qoray wargayska Sharqal Awsad guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Cali mahdi Maxamed ayaa sheegay in aanay jirin qorshe lagu doonayo in shir dib u heshiisiined oo hor leh lagu qabanayo wadanka boqortooyada Sucuudiga.

Cali Mahdi waxa uu ka dhawaajiyay in raisalwasaare Geedi uu mas’uuliyiinta Sucuudiga uu kala soo hadlay qorshe kale oo ergo tiradoodu garayso ilaa iyo 300 loogu qaadayo wadanka Sucuudiga si ay u soo cimraystaan.

Gudoomiyaha shirka waxa uu sheegay in ergadaasi marka ay tagaan kacbada oo ku taal magaalada barakaysan ee Maka ay u soo dhaaran doonaan si ay u fuliyaan waxyaabaha ka soo baxay shirka dib u heshiisiinta oo lagu wado in maanta la soo gabaabeeyo.

Cali Mahdi waxa uu carabka ku adkeeyay in aanu waxba ka ogay shirka dib u heshisiinta ee la hadal hayo in lagu qabandoono wadanka boqortooyada Sucudiga.

Dhinaca kale waxa jira siyaasiyiin Soomaaliyeed oo la yaaban sida uu qoray wargayska Sharqal Awsad cida laga doonayo in ay fuliso waxyabaha ka so baxa shirka iyo sida ay u suurto galayso in ergada lagu wado in ay sucuudiga tagaan ay kitaab ugu dhaartaan.

Shacab Soomaaliyeed ayaa sugaya bal waxa ay ku soo kordhin karto arimaha nabada natiijada laga sugayo in ay ka soo baxdo shirka dib u heshiisiinta oo maanta lagu wado in la soo gabagabeeyo.

Haddaba waxa ay umadda Soomaaliyeed u wada fadhisaa waa natiijada ka soo baxda shirkan oo maanta ku eg iyo waxa ay natiijadasi ka baddasho xaaladda dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: