Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur “Beesha Cayr waxaa laga dhigay nin dhintay, nin dhaawacmay iyo nin cararay, waxaana cadeynayaa in shirka dib u heshiisiinta aanan tegin, ilaa inta….

Ugaaska beesha Ceyr 

Halkaan ka akhri

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah Ugaas Beesha Cayr ayaa shaaca ka qaaday in dadka u dhashay Beesha Cayr ay noqdeen kuwa la dilay, qaar isaga cararay dalka iyo kuwa xiran.

Ugaas Xasan ayaa sidoo kale markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan shirka dib u heshiisiinta iyo sababaha keenay inuu ka soo qeyb geli waayay, isla markaana gudoonka shirka sheegeen inuu wakiil soo dirsaday ayaa beeniyay, isagoo xusay in wakiil uga qeyb galeyn shirka.

“Waxaad ogtihiin intii uu Xamar ka socday shirka hadda la sheegayo ay umaddii ku baaba’day, lagana dhigay waxa ku le’day iyo wax ka qaxay” ayuu yiri Ugaaska oo intaa ku daray in ka qeyb galka beesha Ceyr ee shirkaasi ay ku xiran tahay in marka hore ay arintaasi isaga yimaadaan waxgaradka, siyaasiiyinta iyo qeybaha kala duwan ee Beeshaasi ay ka kooban tahay.

“Anigna waxaan ahay Ugaaska beesha Cayr, waxaana shirkaas ka qeyb galayaa marka ay beesha siyaasiyiinteeda iyo waxgaradkeeda ka soo qeyb galaan, maxaa yeelay Ceyr waxaa laga dhigay nin dhintay, nin dhaawacmay iyo nin cararay, waxaana cadeynayaa in shirkaas aniguna aanan tegin cid iga wakiil ahna aysan joogin” ayuu yiri Ugaaska Beesha Ceyr .

Hadalka ka soo yeeray Ugaaska Beesha Cayr ayaa waxaa uu muujinayaa sida ay beeshiisu u diidan tahay shirka ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo la ogsoon yahay sida Ciidamada Dowladda ula dhaqmeen Siyaasiiyin beeshaas ka tirsan oo uu ka mid yahay Dr Maxamud Maxamed Culusow, Ganacsade Maxamed Deylaf iyo xubno kale.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Dagaalkii Muqdisho

6dii Bil ee Maxaakiimta Muqdisho

%d bloggers like this: