Abwaankii caanka ahaa ee Hal-Abuuray Riyaawadii “Yaa u Wan qalay Waqtiga” Yuusuf Maxamed Muumin Oo Maalintii 4aad u xiran xildhibaan katirsan Dowlada KMG ah.

Yusuf-yare

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha golaha fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf yare) oo ka mid ah abwaanada caanka ah ee Soomaaliya kana tirsananaan jiray hoboladii Qaranka ee Waaberi ayaa ka warbixiyey isagoo ku jira xabsiga saldhiga magaalada Baydhabo qaabka uu ku yimid xarig uu sheegay in afar habeen ka hor ay kula kaceen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku sugan hotelka Central oo ku yaala agagaarka Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

“Afar habeen ka hor waxaa anigoo hotelkeyga jooga iigu soo dhacay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo halkaasi iga taxaabay anigoo aan diyaarsaneyn oo kala daadsan,. waxaa la i geeyey xarunta dembi baarista ee CID-da oo ku taala goob aan ka fogeyn hotelkii aan degenaa, habeenkii halkaasi ayaan ku baryey, waxaana subaxii ku xigay la ii gudbiyey xabsiga magaalada Baydhabo halkaasoo ilaa hadda oo afar maalmood ay ka soo wareegtay aan ku jiro” ayuu yiri Abwaan Yuusuf yare oo intaa ku daray in si wanaagsan ay ula dhaqmaan ciidamada saldhiga ku sugan oo xitaa telefoonkiisii ay u soo celiyeen.

“Markii saldhiga la i geeyey ayaan weydiiyey saraakiisha joogtay cida aan u xiranahay iyo waxa la ii heysto, waxaa la ii sheegay inaan u xiranahay xildhibaan ka tirsan baarlaamanka federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Macalin Nuur, waxaana maalintii xigtay yimid xildhibaankaas oo la weydiiyey waxa u igu heysto hase ahaatee waxaa uu sheegay in haatan dacwadu aysan diyaar u aheyn oo inta uu ka soo diyaarsanayo xabsiga la igu sii hayo taasoo ah mid sharciga ka baxsan in qofka xabsiga la isaga hayo isagoo aan eedeeysane buuxa aheyn” ayuu yiri Abwaan Yuusuf yare oo meesha ka saaray in waxyaabaha loo xiray ay tahay markii laga war helay inuu diyaarinayey riwaayad ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya.

“Abwaanka ayaa intaa ku daray inuu isagu rumeysan yahay in aysan jirin wax dacwad ah oo loo heysto balse laga doonayo oo kaliya inuu bixiyo baad la mid ah tii xiligii hogaamiye kooxeedyada ay ka talin jireen magaalada Muqdisho laga qaadi jiray dadka la afduuban jiray ee ka yimaada dibeada “Waxaad moodaa in arintu ay u muuqato tii la adeegsan jiray xiliggii hogaamiye kooxeedyada ee lagu afduuban jiray dadka dibeda ka yimaada ee lagu weydiisan jiray madax fuurashada oo hadda loo adeegsaday xooga jira waayo ma garanayo sabab magaalada Muqdisho la iiga soo wado oo Baydhabo la ii keeno” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Muumin oo xarigiisa ku tilmaamay mid sharci daro ah oo xad gudub ku ah isaga.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xariga ciidamadeedu ay kula kaceen Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf yare) oo maalintii afaraad sababo aan la garaneynin ugu xiran xabsi ku yaala magaalada Baydhabo.

SomaliSwiss@hotmail.com

Hobolada Waaberi Somaliya Daawo Dacallada

%d bloggers like this: