Saddex ka mid ah Ergada Shirka dib u heshiisiinta oo ku dhaawacmay dagaal xalay ka dhacay Agagaarka Hotel Lafaweyne.

shirka

Halkaan ka akhri

Muqdisho Sabti (SomaliSwiss) 25.08.2007

Weerarkii iyo iska horimaadkii hubeysan oo xalay fiidkii ka dhacay agagaarka Hotelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho, ee u dhaxeeeyey Ciidamada Dowladda iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Ciidamada Dkmg iyo Kuwa Itoobiyaanka ah, wuxuuna socday iska horimaadkas Muddo dhowr daqiiqado ah.

Mar un Madaxweyne idhaha

Qaar ka mid ah Dadweynaha Deegaanka ayaa sheegay in ay aad uga naxeen dhawaqa hubka culus iyo rasaasta, hase yeeshee waxa ay xaqiijiyeen wax yar ka dib uu joogsatay rasaastii sida waalan u dhacaysay,inkasta oo la maqlaayey qaraxyo.

Haddaba war Saaka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weeraradii xalay Hotel Lafaweyne, ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ergo oo ka mid ah Ergooyinka shirka dib u heshiisiinta,ergada ku dhaawacantay ayaa waxaa ka mid ah, C/kariin Sheekh Bashiir iyo Khaalid Xaaji Maxamed Jimcaale, halka midka sedexaadna aan wali magaciisa la haynin .

Waxaa kaloo la sheegayaa in weerarkii xalay ee qaraxyada xambaarsanaa uu khasaare kale gaarsiiyey Gawaari ay lahaayeen Wasiiro ka tirsan Dowladda Kmg ah oo Hotel Lafaweyne degganaa.

SomaliSwiss Wakiilka Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

Jaamacadda Muqdisho

%d bloggers like this: