Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo 10 qof Soomaali ah ku dal dalay Tuuladda Babaase ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Ogaden.

Ogaden

Halkaan ka akhri

Ciidamada Gumaysiga itoobiya ee ku sugan Goboladda Soomaalida Ogaadeeniya waxay 23/07/07 ku daldaleen Tuuladda Babaase oo ka tirsan Degmada Danood ee Gobolka Doolo 10 qof oo isugu jira haween iyo rag kuwaas oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee Deganaa Deegaanka Qoriile.

Haddaba, Ridwaan Xasan Saahid oo ka mid ahayd dadkii lagu daldalay Tuuladda Babaase, hase yeeshee iyadu ka badbaaday kadib Markii mayd ahaan looga tagay ayey Ridwaan Xasan sawiro & waraysi siisay Saxaafada Ogadeniya sidii ay wax u dhaceen iyo meelaha dadkaas lagu kala daldalay iyo cidda waday Ciidamada itoobiya markii ay dadkaas qabanayeen.

Ridwaan oo xaaladeeda Caafimaad ay aad u liidato balse haatan si weyn u dhaanta xilligii dhibtaasi soo gaadhay, ayaa  sheegtay in dhibkii halkaas ka dhacday uu ahaa mid naxdin weyn leh, waxay kale oo ay sheegtay in Ciidamada itoobiya markii ay yimaadeen Magaaladda Qoriile ay dadka soo shiriyeen kadibna ay qoraal ka horyeedhiyeen dadka hortiisa kaas oo ay akhrinayeen Sadex nin oo ka mid ah kuwa loo yaqaano MANGADH MARII, oo micnaheedu yahay waddo mariye, sadexdaas nin oo kala ah:-

1. Xuseen Dhargi
2. Cabdi Urur iyo
3. Xamdi Maxamed Fadal
Sadexdaas nin waxay qof qof ugu yeedheen dadkii liiskooda la yeedhiyey, waxaana halkaas ay Ciidamada itoobiya iyo kooxdan la socotay kala tageen 12 Qof hase yeeshee markii habeenkii la hayey waxay Ciidamada itoobiya u kala saareen sadex qaybood dadkii ay wateen.
Dadkaas afar ka mid ah waxay Ciidamada itoobiya ku Daldaleen Dameerray oo u dhaw Babaase, Sadex qofna waxay ku daldaleen babaase, labana waxay ku daldaleen Marsin, midna waxay ku daldaleen Nusdariiqa,waxayna dadkaasi kala ahaayeen:-
1. Xasan Buraale Cilmi
2. Cali Buraale Cilmi
3. Faarax Xuseen Haroosi
4. Xasan Cabdi C/laahi
5. Ciilmooge Badal
6. Axmed Gaani Guuleed Cali
7. Cabdixiis Sheekh Maxamuud Cumar
8. Ayaan Cali Aw Axmed (Cali good)
9. C/laahi Shugri Mataan (Bogos), waxaa isaga lagu daldalay Meel Nusdariiqa u dhow.

10. iyo Ridwaan Xasan Raage oo dhaawac kacday-
Labada Nin ee kale, ilaa iyo hadda lama oga Meel ay Ciidamada itoobiya ku dileen, in ay hayaan iyo in kale, balse waxay noo sheegtay Ridwaan in labadaas nin ay Ciidamada itoobiya u dhiibeen 200 oo Neef oo adhi ah kuwaas oo ay ka kaxaysteen Reero Isla Deegaankaas degenaa waxayna noo sheegtay oo kale in adhigaas uu ahaa mid beelaha halkaas degan ay lahaayeen uuna ahaa mid ururis ah.


Ridwaan xasan oo ka mid ah Dadkaas la dadlalay balse nasiib wanaag ilaahay noolaystay waxaa sida aad sawirkeeda ku aragtaan ka muuqda Dhibkii iyo Xadhigii ay ku ceejiyeen Ciidamada itoobiya taasina waxay muujinaysaa cadownimada Ciidamada itoobiya iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Reer Ogaadeeniya ee aan waxba galabsan.


Ma’aha oo kaliya 10bankaas qof inta ay Ciidamada itoobiya ku daldaleen Goboladda Soomaalida Ogaadeeniya, waxaana sidoo kale ay Ciidamada itoobiya ku daldaleen Magaaladda Awaare 2 nin oo ka mid ah dhalinyarada magaaladda, Sidoo kale, Magaaladda Weylo lagu xidh waxay ku gawraceen 5 Nin, Waxaa kale oo jiray 28 Qof oo shacab ah kuwaas oo lagu dilay Tuuladda Labiga, waxaa kale oo jiray 5Nin oo ay Ciidamada itoobiya ku dileen Magaaladda Dhagaxbuur gudaheeda kuwaas oo maydkooda la soo dhigay Banaanka, Waxaa kale oo jiray Maraacaato oo lagu dilay 1qof oo ay gawraceen, Yucub waxay ku gawraceen Odayweyn, maha wax aan halkan ku soo koobi karo dadka la gawracay ee lagu gawracay Goboladda Soomaalida Ogaadeeniya balse inta aan hadda xasuusano ayey ka mid yihiin kuwaasi.

Xuquuqda warka waxaa leh Qorahay_Online

SomaliSwiss@hotmail.com

Ogadenia

New York Times Video Report on ONLF

Ogadenia Gabay Fidhin

%d bloggers like this: