Maxamed dheere oo u goodiyay odoyaasha dhaqanka Hawiye isagoo sidoo kale eedeyn kulul u soo jeediyay Idaacadaha madaxa banaan ee kuyaala Magaalada Muqdisho.

Heesta Maanta :Xaqiiqda ka jirta Somalia

amin112

Halkaan ka akhri

 amin112

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed cumar xabeeb Maxamed dheere ayaa maanta eedeyn aad u kulul u soo jeediyay Idaacadaha madaxa bannaan ee Muqdisho isagoo sheegay in ay iska hor jeenayso maamulka dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed mar uu maanta saxaafada kula hadlayey taliska ciidanka booliska soomaaliyeed ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa hadalkaan ka sheegay munaasibad maanta ka dhacday Kumaanda buluusiya oo lagu soo bandhigayey hub ay ciidammada dowladda KMG ah ku soo qabteen howlgalladii maalmihii ugu dambeeyey laga fuliyey gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere oo ku dheeraaday ka hadalka xaaladda ammaan ee gobolka Banaadir ayaa si caro leh u weeraray Mas’uuliyiinta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaasi Maxamed Xasan Xaad iyo Af-hayeenka Axmed Diiriye iney ka dambeeyaan falalka ammaandarrada ah iyo qaraxyada ka soconaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu tilmaamay sidoo iney gacansaar la leeyihiin Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Xubnaha Barlamaanka xorta ah ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee waddanka Erataria.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa ku tilmaamay qoysaska ku barakacay duleedka dhinaca koonfureed ee magaalada Muqdisho kuwwo Argagixiso ah oo ka dambeeya ammaandarrada ka jirta magaalada Muqdisho, isagoo dhanka kalena uga digay ururrada bulshada rayidka iyo hay’adaha samafalka ee quudinaya qoysaskaasi iney ka waantoobaan, isagoo u arkayey iney yihiin kooxo ka soo jeeda Al-qaacidda.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan tirada qoysasyka halkaasi u barakacaya, kuwaasoo u badan dumar iyo carruur, isla markaana ka barakacay iska hor imaadyada sida joogtada ah u dhexmaraya ciidammada dowladda KMG ah & kuwa Ethiopian-ka oo meel ah iyo kooxaha kale ee wax iska caabinta oo siyaasad ahaan dhinacyadaas ka soo horjeeda.

Ilaa iminka Majiraan wax war ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo ku aadan arintaan.

Guddoomiyaha gobolka, waxa uu dhinaca saxaafadda ku eedeeyey iney buunbuuniyaan falalka ammaandarrada ah ee ka dhacaya caasimadda, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay idaacadda HornAfrik oo uu sheegay iney warbixinnada qaarkeed ay ka been abuuraan.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu guddoomiyaha gobolka dhaleeceyn u jeediyo dhinacyada uu aaminsana yahay iney liddi ku yihiin awaamiirta dowladda KMG ah, wuxuuna horey eedeeyn kulul ugu jeediyey Xaaji Cabdi Iimaan oo uu ku tilmaamay nin abaabulaya falalka ka dhacaya gobolka Banaadir, hase ahaatee goor dambe ay isku mabda’ noqdeen.

SomaliSwiss@hotmail.com

amin112

%d bloggers like this: