Xildhibaano uu ka mid yahay Cismaan Caato oo ka baxsaday Xabsigii Xukunka degdegga ahaa ee C/llaahi Yuusuf & Geedi ee ay Baydhabo ku joogeen.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga C/ qaasim

caato

Halkaan ka akhri

 

Baydhabo Isniin (SomaliSwiss)25.06.2007

Warar is khilaafasan ayaa ka soo baxaya magaalada Baydhabo in Koox Xildhibaano ah ay shalay galab ka baxsadeen xabsigii xukunka degdegga ahaa ee ay ku joogeyn Magaalada Baydhabo.

Xildhibaadana sida dhuumaaleysiga ah uga cararay ayaa waxaa hormuud u ahaa Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato oo dhinaca dalka Kenya ugu ambabaxay safar dhinaca lugta ah sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan hoos joogayaashiisa.

Cismaan Caato oo ay wehliyeen Xildhibaano kale oo uu ka mid yahay Cabdi Rashiid Xidig ayaa lagu waramayaa inay ku wajahan yihiin dalka Kenya waloow warar kalana ay sheegayaan inay Bu-aale ka raaci doonaan diyaarad qaasa oo geeyneysa Dalka Jabuuti.

” Waa nasiib daro in Cabdilahi Yusuf isku dayo inuu I geliyo xabsi guri,waxaanse u sheegayaa inaan ahay xor ,lana xisaabtami doono,ilaa meesha ugu dambeyso” sidaa waxaa yiri Cismaan Caato oo khadka telefoonka ugu waramayay Weriye ka tirsan Webka Waagacusub xilli uu safar dhinaca lugtaa ku jiray, sidaas darteed waa uu ka gaabsaday, wuxuuse sheegay inuu si bayaansan uga hadli doono ujeedka safarkiisa.

Warar madaxbanaan oo aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Cismaan Caato uu Nairobi tagayo siduu u qabsan lahaa qareen u dooda hantidii laga boobay gurigiisa, waxaa kaloo ila kalena ay tibaaxayaan inuu ku biiri doono Isbahaysiga Casmara.

Si kastaba ha ahaatee Cabdilahi Yuusuf ayaa aaminsan in Cismaan Caato yahay nin siyaasadiisa dahsoon ee ku dhaqma Siyaasadda Kibilada, wiiqi karana jiritaanka dowladiisa waana taas sababta loogu xanibay magaalada Baydhabo mudda aad dheer.

Sidaas darteed Mudane Cismaan Caato ayaa la sheegay inuu rabay ee uu doon-doonayey in mar un kaga baxo Baydhabo.

SomaliSwiss Baydhabo

Sourse Waaga-Cusub

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: