Weerar aad u xoogan oo ay Ciidamada Muqaawamada kuqaadeen Xeryo ay deganaayeen Ciidamada Ethiopia,warkii ugu dambeeyay ee Muqdisho.

Halkaan ka Dhageyso Wareysiga C/ qaasim

Muqaawamada

Halkaan ka akhri

Iyadoo uu habeenkii 4-aad bandow saaran yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa dhacay dagaal xoogan oo dhawaqiisa laga maqalay gabi ahaamba Magaalada Muqdisho.

Iska horimaad socday in ka badan 40-daqiiqo ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Saldhigga ay Ciiddamadda Ethiopianka ku leeyihiin Warshaddii Baastada ilaa iyo Kontoroolkii hore ee Balcad ee Waqooyiga Muqdisho.

Weeraradan ayaa sida laxaqiijiyay ahaa kuwa qorsheysan oo ay qaadeen Ciidamada muqaawamada kuwaasoo labeegsadeen xarumo ay deganaayeen Ciidamada Ethiopian-ka in kastoo aan laxaqiijin karin qasaaraha dhabta ah.

Nin goobjooge ahaa oo codsaday inaan magaciisa lashaacin ayaa sheegay inay Ciidamada Muqaawamada ee weerarka soo qaaday ay gantaalladda garabka laga tuuro u adeegsadeen weerarkaasi waxaana Hillaaca Gantaalada laga arkayey gabi ahaan magaalada Muqdisho.

Lama garanayo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iska-horimaadkaasi oo noqday baryahan dambe joogto oo ay si fool-ka-fool ah isaga hor-yimaadaan Ciiddamadda Ethiopianka iyo Ciidamada Muqaawamada ee gacanta kulul kuhaya Ciidamada Ethiopia.

Dhinaca kale dhowr qarax oo waa weyn ayaa waxaa caawa laga maqlay Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoo dadka ku nool Xaafadda Bakaaraha ay sheegeen inuu qarax xooggan ka dhacay Is-goyska Degmadda Howl-wadaag oo habeenadan joogto u noqotay qaraxyo iyo is-rasaasayn.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: