Imaamka Masaajidka Buq-Aqable oo ay maleeshiyo beeleedyo aana qabiil ugu dileen degmada Buq-aqable.

Halkaan ka Dhageyso khudbadii-GumeysiDiidka

Halkaan ka akhri

Maleeshiyo beeleedyo ayaa xalay toogasho ku dilay Imaamka masjid ku yaala degmada BUQ-AQABLE ee gobolka Hiiraan ayadoo dilka Imaamka uu salka ku hayo dil loo gaystay mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada BUQ-AQABLE.

Falka dilka ah ee lagu la kacay Imaamka Masjidka ayaa noqonaya kii ugu hor reeyay oo noociisa oo kale ka dhaca dalka Soomaaliya inta la og yahay ayadoo culimaa’uddiinka ay ixtiraami jireen beelaha dagaalamaya laakin waxaa muuqata in dhaqankii hore ee Soomaalida uu meesha ka sii baxayo. 

Maleeshiyo beeleedyo careysan oo laga dilay nin ay isku heyb yihiin ayaa toogasho ku dilay imaamka Masjidka oo lagu magacaabo Sheekh Aadan Xasan Muuse, isagoo xusay in imaamka uu ka mid ahaa culimaa’uddiinka faafinta diinta islaamka ka waday degmada BUQ-AQABLE.

Nabadoon Axmed Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada BUQ-AQABLE ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dilka loo gaystay Sheekha isagoo xusay in dilkaasi uu yahay mid lidi ku ah dhaqanka soojireenka ah ee Soomaalida.Laba beelood oo wada dega degmada BUQ-AQABLE ayaa waxaa u dhaxeeyay dagaal soo noq noqday oo ilaa iyo iminka aan lagu guuleysan in xal kama dambeys ah laga gaaro ayadoo dhawaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiran uu u tagay degmadaasi dhex dhexaadinta beelaha ku dagaalamaya.

Imaamka ayaa sida la sheegay ka soo baxay masjid uu tafsiir ku akhrinayay kadibna toogasho ay ku dileen Imaamka, ayadoo maleeshiyaad kaasi ay baxsadeen markii ay dilka gaysteen.

SomaliSwiss Hiiraan

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: