Dagaal fool- ka fool ah oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Mareykanka oo walwal ka muujiyey xaaladda Nabad-gelyo xumo ee Soomaaliya.

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada

Dagaal Xamar

Halkaan ka akhri

Muqdisho Axad (Somaliswiss) 24.06.2007

Ciidamada xaq u dirir ah ayaa waxay xalay weerar xoogan oo fool-ka-fool ah ku qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka ee ku jira Garoonka Stadium Muqdisho.

Dhawaaqa hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan rasaasta culus ee daran-dooriga u dhacda ayaa xalay laga maqlayey hareeraha garoonka Stadium Muqdisho, taasi oo ay isweydaarsanayeen Ciidamada Itoobiyaanka ee halkaasi ku jira iyo Kooxo si aad ah oo weerar waji-ka-waji ah la beegsaday.

Weerarkan oo ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, ayaa ilaa iyo haatan aan la ogeyn khasaaraha uu geystay, iyadoo dadka ku dhaqan nawaaxiga Stadium Muqdisho ay saakay waabarigii hore guryahooda isaga carareen.

Weerarkan ayaa waxa uu saameyn ballaaran ku yeelanayaa xaaladda bandowga ah ee ay Dowladda KMG dhawaan kusoo rogtay Caasimadda, inkastoo aan moodo in Bandowga uuba uga sii daray xaaladda Muqdisho maadaama ay qaraxyada iyo weeraradiiba ay sii laba-lixaadsadeen.

Dowladda Mareykanka ayaa walwal ka muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee ku soo korortay magaalada Muqdisho kadib markii waayadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal loo gaysanayo ciidmada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dowladadda Mareykanka waxay sheegtay in qaraxyadaan iyo dilalkaani ay sii wiiqayaan hanaankii dib u heshiisiinta ee laga rabay wadanka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay kaloo sheegtay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay wada hadal la furto kooxaha ka soo horjeeda si loo helo awood qaybsi balaaran oo ay ku wada qancaan dhamaan kooxaha isku haya wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: