Halkaan ka Dhageyso khudbadii-GumeysiDiidka
Halkaan ka akhri
Hal ruux ayaa ku geeriyoodey inta la ogyahay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal dhex marey labo maleeshiyo beelleed oo ku dagaalamay duleedka magaalada Balad-weyne ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa dhex marey maleeshiyo ka kala soo jeeda Qabaa’illada Makanne iyo Janjeella dagaalkan waxa uu ka dhashey sida ay wararku sheegayaan is qabqabsi dhinaca deegaanka & beeraha ah.
Isqabqabsigaasi ayaa waxaa uu ugu dambeyn kallifey in labada maleeshiyo beelleed ay dagaal arrintooda u bedelento, taasoo keentey dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac ah.
Xiisado dagaal ayaa hadda laga dareemayaa deegaano kuyaala duleedka magaalada Balad-weyne oo labada Dhinac ay isku horfadhiyaan, waxaana jira dadaallo la doonaayo in xiisadahaasi lagu qaboojiyo oo ay wadaan wax garad labada dhinac ah.
SomaliSwiss Hiiraan
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.