Qaar ka tirsan xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya oo kushiray Magaalada Zurich ee wadankan Switzerland.

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada

shirka

Halkaan ka akhri

Qaar ka tirsan xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland ayaa kulan shaqo isugu yimid taariikhdu markey ahayd 17.06.07.

Qodobadii shirka lagu lafa guray ayaa waxa ka mid ahaa.

  • Xaalada qalafsan oo uu dalka iyo dadkaba ku sugan yihiin uguna wacan tahay dhibaatooyinka nooc walba leh oo uu gumeeysiga madow ka gaysanayo Ogaadeenya.
  • Doorka ka jaaliyad ahaan inagaga aadan taageerida halganka xaqa ah oo aay umadu ugu jirto sidii aay isaga tuuri lahayd heeryada gumeeysiga.
  • Kor u qaadida iyo laba laabka hoowlaha jaaliyada ka wado dibada iyo qodabo kale xasaasi ah oo quseeya halganka xalaasha ah oo aay JWXO hormuudka ka tahay.

Shirku wuxuu dhaleeceen dusha kaga tuuray taliska gumeeysiga itoobiya ee diidan in uu aqbalo rabitaanka shacbi-weynaha Soomaaliyeed Ogaadeenya kaasi oo ah in aay si xor ah dalkooda ugu noolaadaan una bareeray waxyeeleeynta shacabka iyo maatida aan waxba galabsan.

Isla markaana shirku wuxuu amaan, bogaadin iyo duco u soo jeediyay ciidamada xaq u dirika ah ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee beeniyay hamigii gumeeysiga kaas oo ah in uu xasuuqo oo aan la gula xisaab tamin xad gudubyada uu ka wado Ogaadeenya.

Dhamaan qodobadii la isku soo qaaday ayaa si niyad ah oo aay xigmadi ku jirto la isugu waafaqay, xubnihii jaaliyaduna waxey balan qaadeen in aay ka soo dhalaalayaan waajibka ka saaran wax ka qabashada dhibaatooyinka dalkeenii ka taagan.
Zurich, Switzerland

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: