Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada
Halkaan ka akhri
Taliyaha Ciidamada Nabad sugida qaranka Somaliya General Max’ed Warsame Darwiish ayaa maanta ku dhawaaqay habeen danbe wixii ka danbeeya bandow habeenkii ah oo ka dhaqan gali doona magaalada Muqdisho marka la gaaro 7-da fiidnimo.
General Darwiish waxaa uu tilmaamay in bandowgaasi ulajeedkiisu yahay sidii ay amaanka u adkeyn lahaayeen,isla markaana Ciidamada dawladda ay si rasmi ah amaanka isugu soo koobi lahaayeen.
Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Somaliya General Max’ed Warsame Darwiish waxaaa uu adkeeyay in ay doonayaan si rasmi ah in ay uga hortagaan kooxaha hubeysan ee uu sheegay in ay ku ganbadaan shacbiga isla markaana habeenkii weerarada soo qaada,isagoona intaasi raaciyay talaabo adag in ay qaadi doonaan.
General Darwiish waxaa uu ugu baaqay shacbiga Somaliyeed in ay dhaqan galiyaan dhamaan bandowgaasi si markaasi uu u meel maro qorshaha ay dawladda Federaalka ku dooneyso amaanka guud ee caasimada Somaliya in lagu adkeeyo.
Shir jaraa’id oo gurigiisa uu ku qabtay taliyaha Ciidamada Nabad Sugida ayuu sidoo kale ku sheegay in dhawaan Muqdisho ay ka dhici doonaan qaraxyo waaweyn oo ah miinooyinkii dhowaan howl-gallada lagu soo qabtay kuwasi oo ay qarxin doonaan Ciidamada Midowga Afrika.
Somaliswiss Xafiiska Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.