Dagaalo culus ayaa maalintii 5aad ka socda qaybo ka mid ah Degaanka Soomaalida Itoobiya kuwaas oo u dhaxeeya Ciidamda xaq udiriska Jabhadda ONLF iyo…..

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada

JabhadaĀ ONLF.

Halkaan ka akhri

Dagaalo culus ayaa maalintii 5aad ka socda qaybo ka mid ah Degaanka Soomaalida Itoobiya kuwaas oo u dhaxeeya Ciidamda Jabhadda ONLF iyo kuwa Itoobiyaanka, dagaalkan ayaa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dhawaqa Madaafiicda iyo daryanka Rasaasta laga maqlayo magaalooyinka ku dhaw goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

Dagaalkan ayaa ka socda dhawr tuulo oo ka tirsan Goballada Soomaaligalbeed sida Dhagaxbuur,Qabridahar,Fiiq iyo Jigjiga, sida ay sheegayaan dad xogagaal ah oo ku dhaw goobaha uu dagaalku ka socdo waxaa halkaas soo degay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, kuwaas oo ay wehelinayaan diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya, dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaadana diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya iyadoo diyaaradahani ay duqaynayaan kaymaha dhirta badan ee aysan gali karin Ciidanka Itoobiya ee dhulka socda.

Dhanka kale Jabhadda ONLF ayaa iyaduna Ciidamadeeda oo ilaa xad tiro badan soo dhoobtay dhulka uu hadda dagaalku ka socdo iyadoo markan ay dagaalka ka qayb qaadanayaan gabdho Soomaaliyeed oo naftood hurayaal ah kuwaas oo ay arkeen dadka deggan aaggaas. sidoo kale waxaa dagaalkan dhanka Jabhadda ONLF wehelinaya shacabka ku dhaqan aagaga uu dagaalku ka socdo iyadoo Shacab badani ay ku biireen Ciidamada Jabhadda ONLF.

Ilaa hadda lama garan karo khasaaraha ka dhashay dagaalkan maadaama ay go’an yihiin Isgaadhsiintii ka jirtay dhulkaas, balse dadka ka imaanaya dhulka uu dagaalku ka socdo ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalkan ka dhashay uu ilaa xad badan yahay iyadoo dhimashaduna ay aad u badan tahay labada dhinacba, balse ilo xogagaal ah oo goobta uu dagaalku ka socdo ka yimid ayaa sheegaya inay arkeen ilaa 4 baabuur oo Ural ah oo ay Itoobiya leedahay halkaas lagu gubay iyadoo sidoo kale arkeen tiro badan oo Meydka Ciidamada Itoobiya ah.

Dagaalladan hadda ka socda Degaanka ayaa u eg kuwo hadda un bilow ah iyadoo labada dhinacba ay Ciidamadooda dhulkaas ka jooga ay soo xoojiyeen, dhanka Itoobiya waxaa wehelinaya diyaaraha qumaatiga u kaca iyadoo dhanka kale ee ONLF ay wehelinayaan Shacabkii degganaa dhulkaas.

Wixii ka soo kordha arrimahan dib ayaanu idin kaga soo gudbin doonnaa.

Sourse Xog-waran

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: