Ciidamada Ethiopia oo jiidaya Madaafiicda dagaalka ayaa laxajiijiyay ay mareen degmada Afgooye ayagoo lasheegay in ay kusii jeedaan laba meel oo kala ah……

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada

Ciidamada Uganda

Halkaan ka akhri

 

Wararka naga soo gaaraya Muqdisho ayaa ku soo waramaya in ciidamo faro badan oo Itoobiyaan ah ay dageen Magalaada Afgooye duleedkeeda iyada oo ay soo baxayaa warar kala duwan halka ay ku wajahan yihiin ciidamadaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo ay haatan ka jirto xiisado Colaadeed oo u dhexeysaa labo Ciidan oo ka wada tirsanaan jiray Ciidanka DKG ah oo u kala jabay qaab Qabiil.

Wararka naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada ku suganaa Buula gaduud ay soo dageen hadda Luglow oo aan sidaa uga fogey magaalada Kismaayo.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxay ay wataan hub faro badan iyaga oo jiidanaya Madaafiicda goobta ilaa hada lama xaqiijin karo meesha ay ku wajahan yihiin balse warar kale ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ayna dib ugu laabanayaan dalka Itoobiya, halka warar kale ay sheegayaa inay ku wajahanyihiin Soomaali galbeed.

Iyadoo laxaqiijiyay in ay dagaalo ba´ani kasocdeen maalmahamba dhulka ay degan yihiin Soomaalida galbeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya dagaalada kasocda Somali Galbeed oo u dhaxeeya Jabhadaha soomaaliyeed & Ciidamada Gumeystaha Ethiopia kasoo ay kaqeyb galeen Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka kuwaasoo xasuuq ba´an kageystay dhulka ismaamulka Soomaalida Galbeed.

SomaliSwiss Xafiiska Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: