Switzerland oo ujeedadii ay ka lahayd ka gaartay Shirka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee lagu qabtay magaalada Genevè.

Heesta Maanta :La Jihaada Amxaarada

alfonso.jpg

Halkaan ka akhri

Genevè Talaado (SomaliSwiss) 20.06.2007  

Switzerland oo ku xadaaqday inay ku guuleysatay ujeedadii ka lahayd nidaamka cusub ee loo difaaci karayo Xaquuqda Aadanaha.

Wakiilada Swiss-ka ee golaha xaquuqda Aadanaha ayaa tilmaan fiican ka bixiyeen in lagu guuleystay isku afgaradka nidaamka cusub ee lagu dhaqi lahaa ku xadgudubka Xuquuqda Aadanaha iyo sharciyadii loogu hortagi lahaa, sidaas waxaa maanta loogu dhawaaqay Magaalada Genevé ee dalkan Switzerland.

Golaha Xuquuqda Aadanaha oo ka kooban 47 xubnood ayaa la sheegay in si reynreyn ah ugu wada qancay helitaan wadadii lagu maareyn lahaa ku xadgudubka xuquuqda Aadanaha, waxaana kaalin waxtar leh ka qaatay helitaanka nidaamkan cusub Hay’daha aan dowliga ahayn ee u dooda Xuquuqda Aadanaha. 

“Musiibadii ayaa laga hortagay” sidaas waxaa yiri Mudane Adrian Zoller oo Madaxa ONGga ee xuquuqda Aadanaha ee saldhiggeedu yahay Magaalada Genevè, wuxuuna intaas ku daray “Neef xoog badan ayaa iga soo baxday”, waxaan xasuustay isku dayadii aan u halgamayni sanadihii tegay, hase ahaatee waxaa imminka gaarnay hadafkii aan ka lahayn Xuquuqda Aadanaha, sidaas ayuu ku soo gebegabeeyey hadalkiisa Mudane Adrian Zoller.

Hay’adda Human Rights ayaa aad uga dooday, qodobbadii horyaalay Golaha Xuquuqda Aadanaha, waxayna aad uga xumaatay xaaladda daalka Kuba iyo Bielorusso ee ku xadgudubka xuquuqda Aadanaha oo haddana Golohu  fududeeyey Il-hayntii saarneyd labadaas Dal.

Golohu wuxuu kaloo ka dooday Dhibaatooyinka imminka ka jira Caalamka gaar goobaha dagaalladu ka socdaan sida Ciraaq, Afganistaan, Soomaaliya iyo kuwo kale.

SomaliSwiss Zürich

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: